Film cusub oo dood weyn ka abuuray dalka Finland
Aug 16, 2012 with:
Telefishinka YLE ayaa filimka la kaashaday shirkada kale oo caalami ah waxaana filimka lagusoo duubay dalka Kenia. Shacabka finlandeyska ayaa aad ula yaabay sababta filimka loogu soo duubay dal Afrika ka tirsan.
Filimkaan oo lagu magacaabo Marsalkka ayaa wuxuu ka sheekenaya noloshii madaxweynihii 6:aad ee dalka Finland Carl Gustaf Emil Mannerheim. mannerheim ayaa wuxuu ahaa hogaamiyihii xooga dalka Finland dagaaladii waaweynaa ee soo maray dalka bilawgii 1900:kii, wuuxuuna ahaa madaxweynaha dalka Finland qarnigii 1940:kii.
Filinka Mannerheim ayaa marka ugu horeysa lagu soo bandhigi doona bandhig filimaanta ah ee ka dhacaya magaalada Helsinki bisha sebtember, waxaa teleefishinka laga soo sii deyn doona bisha oktoobar ee sanadkan.

