• ETUSIVU
    • PROFIILI
      • TOIMINTA
      • PROJEKTIT
    • UUTISET
      • SOMALI UUTISET
      • FEATURED ARTICLES
    • SOMALIT SUOMESSA
      • SUOMEN HISTORIA
      • SOMALIEN DIASPORA
    • SOMALIAN HISTORIA
      • USKONTO & KULTTUURI
    • YHTEYSTIEDOT
    • ILMOITUSTAULU

Dalka Finland oo maanta buuxsaday 95 sano

Dec 07, 2012 with: Commnets

  • Tweet

Dalka Finland ayaa maanta looga dabaal dagaya maalinta madaxbanaanida, maalinta madaxbanaanida madaxweynaha dalka ayaa xaflad weyn ku qabta aqalka madaxtooyada. Dalka Finland ayaa waqtigi xornimada uu helay ey kasoo wareegtay 95 sano.

Dhamaan adeegyada bulshada sida dukaamada, bankiyada iyo boostada ayaa dhamantooda ey xiran yihiin maanta, iyadoo lagu maamuusayo maalinta xornimada dalka. Basaska iyo tareemada ayaa ushaqeynaya jadwalka maalinta axadda.

Magaalooyinka kale duwan ee Finland waxaa ka dhacay xaflado kale duwan oo lagu maamuusayo maalinta xornimada, magaalada Tampere waxaa maraya guutooyin ka tirsan ciidanka difaaca ee Finland, magaalada Helsinki waxaa ka dhacay xaflado diimeed oo loogu tala galay munaasabada xornimada.

Wadanka Finland ayaa xornimada helay 6. december sanadkii 1917. Xornimadiisa kahor dalka Finland wuxuu ka tirsana Ruushka in ku dhaw 100 sano. Wixii kahoreeyay dalka finland wuxuu katirsanaa sweden.

Madaxweyne Sauli Niinistö iyo seydiisa Jenni Haukio ayaa sanadkoodii ugu horeeyay martigalinaya xafladda madaxbanaanida ee lagu qabto aqalka madaxtooyada, madaxweyne Sauli Niinistö ayaa qabtay xilka madaxnimada dalka Finland horantii sanadkaan, waxaana u harsan inuu xilka sii hayo 5 sano oo horleh.

Maanta oo kale dalka Finland waa ciid waxaana lagu qabtaa xafladda u weyn aqalka madaxtooyada halkaas oo ay isugu yimaadaan xukuumadda, xildhibaanada, siyaasiyiinta xisbiyada, masuuliyiinta wadanka qaybihiisa kala duwan, diblomaasiyiinta caalamka ka jooga Finland iyo marti sharaf kale waxaana ay ku gacan qaadaan  Madaxweynaha waxay ugu hanbalyeeyaan maalinta xornimada Finland.

Tags: madaxbanaanida • madaxtooyada • xornimada

Comments

  • Knowledge is Power -Event

  • Somali fairy tales

  • Aqoon Waa Awood- Koulutustapahtuma

  • LINKIT

    • Hiiraan Online
    • Horseed Media
    • Maailma.net
    • Radio Warsan
  • Julkiset palvelut

    • Euroopan unionin
    • INFOPANKKI
    • KELA
    • Maahanmuuttovirasto
    • POLIISI
    • Työ- ja elinkeinotoimisto
  • Uutisia

    • Helsingin Sanomat
    • MTV3
    • Selkouutiset
    • Turun Sanomat
    • YLE
© Copyright Suomen Somali Web Portal 2013. All rights reserved.