Suomen Somali Web Portal » finland

Hillary Clinton oo booqasho u joogta dalka Finland
Christian Westerback / HS

Wasiirada arrimaha dibedda ayaa maanta booqashadeydi uhoreysay ku timid dalka Finland. Clinton ayaa si heersare loosoo dhaweeyay, iyadoo kulamo la qaadatay dhamaan madaxda sare ee dalka Finland.

Clinton ayaa maanta waxey la kulantay madaxweynaha Finland Sauli Niinistö, sidoo kale waxey booqatay baarlamaanka dalka FInland, madaxda kale ey la kulantay waxaa kamid ahaa ra’isul wasaaraha, wasiirka arrimaha dibedda iyo wasiirka Arrimaha Yurub.

Arrimaha ugu waaweyn ey madaxda kala hadashay wasiirada ayaa waxaa kamid ahaa wadashaqeynta udhaxeysa Finland iyo gaashaanbuursiga Nato, isbedelada kajira dalka Ruushka, dhaqqalaha Yurub iyo xaaldaha ka taagan dalalka Syyria iyo Afganistan.

Mrs Clinton oo ahayd marwadii koowaad ee dalka Mareykanka, hadana ah wasiirada arrimaha dibedda ee dalka Mareykanka ayaa ah wasiiradaha Mareykanka wasiirada ugu booqasho badan dalalka caalamka, iyadoo booqatay 99 dal oo kamid ah dalalka caalamka.

Doorashada madaxweynaha Finland oo gashay wareegi labaad
Kuva: Jari Laukkanen

Doorashada madaxweynaha Finland ayaa xalay kusoo gabagaboobay waji xiiso badan, iyadoo musharixiinta tartameysay ku kala bixi waayeen wareegii koowaad ee doorashada.

Waxaa markii hore la saadaalinayey in musharaxa xisbiga Kokoomus ee Sauli Niinistö uu kusoo bixi doono tartanka madaxweynaha wareega koowaad, musharaxaas ayaa helay cod gaaraya 37 %, wuxuuna kusoo bixi lahaa wareega koowaad hadii uheli lahaa cod ka badan boqoliiba 50 %.

Sideeda musharaxa ee ku tartameysay jagada madaxeynaha ayaa maalmihii udanbeeyay olole xoog badan ka waday magaalooyinka waaweyn ee Finland, gaar ahaan magaala madaxda dalka ee Helsinki.

Wareegii koowaad ee xalay soo gabagaboobay ayaa waxaa codadka ugu badan helay musharixiinta kala ah Sauli Niinistö iyo Pekka Haavisto oo si adag kaga guuleystay Paavo Väyrynen kaalinta labaad.

Wareega labaad ee doorashada ayaa lagu kala bixi doonaa 5. Febraayo 2011. Labadaan musharax ayaa ah labo nin oo ku kala fog siyaasada oo ka kala socda dhinacyada midigta iyo bidixda, waxaana la saadaalinayaa inuu tartan aad u xiiso badan dhexmari doono labada musharax.

Maanta oo ku beegan maalintii madaxbanaanida dalka Finland
Dalka Finland ayaa maanta looga dabaal dagaya maalinta madaxbanaanida, maalinta madaxbanaanida madaxweynadda Tarja Halonen ayaa xaflad weyn ku qabata aqalka madaxtooyada. Dalka Finland ayaa waqtigi xornimada uu helay ey kasoo wareegtay 94 sano.

Dhamaan adeegyada bulshada sida dukaamada, bankiyada iyo boostada ayaa dhamantooda ey xiran yihiin maanta, iyadoo lagu maamuusayo maalinta xornimada dalka. Basaska iyo tareemada ayaa ushaqeynaya jadwalka maalinta axadda.

Magaalooyinka kale duwan ee Finland waxaa ka dhacay xaflado kale duwan oo lagu maamuusayo maalinta xornimada, magaalada Tampere waxaa maraya guutooyin ka tirsan ciidanka difaaca ee Finland, magaalada Helsinki waxaa ka dhacay xaflado diimeed oo loogu tala galay munaasabada xornimada.

Wadanka Finland ayaa xornimada helay 6. december sanadkii 1917. Xornimadiisa kahor dalka Finland wuxuu ka tirsana Ruushka in ku dhaw 100 sano. Wixii kahoreeyay dalka finland wuxuu katirsanaa sweden.

Madaxweynadda Tarja Halonen ayaa sanadkedi udanbeeyay martigalineysa xafladda madaxbanaanida ee lagu qabto aqalka madaxtooyada, madaxweynada ayaa 11 sano soo haysay talada dalka Finland, wuxuuna waqtigeda ku egyahayay horaanta sanadka soo socda.

Tarja Halonen ayaa ah madaxweynihii 11:aad ee soo mara dalka finland waana madaxweynaddii ugu horeysay oo haween ah.

Maanta oo kale dalka Finland waa ciid waxaana lagu qabtaa xafladda u weyn aqalka madaxtooyada halkaas oo ay isugu yimaadaan xukuumadda, xildhibaanada, siyaasiyiinta xisbiyada, masuuliyiinta wadanka qaybihiisa kala duwan, diblomaasiyiinta caalamka ka jooga Finland iyo marti sharaf kale waxaana ay ku gacan qaadaan  Madaxweynaha waxay ugu hanbalyeeyaan maalinta xornimada Finland.

Qaar kamid ah kaamamka ku yaala dalka Finland oo albaaabada loo laabayo
Kuva: YLE

Qaxootiga kunool kaamka Kontionlahti ee kuyaala magaalada Joensuu iyo shaqaalaha xerada ka shaqeeya ayaa walaac ka muujiyay go’aanka kasoo baxay wasaarada arrimaha gudaha Finland oo ku saabsanaa in albaabada loo laabayo sadex kaam oo uu kamid yahay kaamka Kontionlahti.

Wasaarada ayaa waaxda socdaalka (Maahanmuuttovirasto) ku amartay iney iska fasaxdo 2 kaam oo kuyaal Joensuu iyo kaamka Punavuori ee kuyaala magaalada Helsinki wixii loo gaaro bisha June ee sanadka soo socda.

Labada Kaam ee ku yaala magaalada Joensuu ayaa ah kuwo ey kunool yihiin dad badan oo magangelyo doon ah, labada kaam ayaa waxaa ka shaqeeya 60 shaqaale waxaana kujira 200 oo qof. Osman Hassan oo 15 sano shaqaale ka ahaa kaamka Kontionlahti ayaa wargeyska Yle usheegay in dadka kunool kaamka ey ka welwelsan yihiin xiritaanka kaamka, waxey ka cabsi qabaan in dalkoodi oo colaado iyo abaaro kaga soo carareen dib loogu celiyo.

Dadka kujira kaamamka ayaa waxey walaac ka qabaan sidey uheli lahaayeen guryo kiro ah maadaama eysan luuqada finishka aqoon, waxaa kaloo jira ilmo da’yar oo  waalidkood la socon. Wasaarada ayaa qaadatay go’aankaan kadib markii ey hoos udhacday tirada dadka qaxootiga ee soo gala dalka Finland iyo hoos udhac kuyimid miisaaniyada wasaarada arrimaha gudaha ee dalka Finland.

Mid kamida Dad horay Finland loogu xiray oo denbi ka ganacsiga Dadka ah lagu soo eedeeyey
Wargeys maalinle ah oo kasoo baxa dalka Finland laguna magacaabo Helsingin Sanomat ayaa soo daabacay in mid kamid ah dad dhowaan gudaha dalkaas lagu xir xiray kadib markii lagu soo eedeeyey in ay xiriir dhow la leeyihiin xarakada Al-shabaab lagu helay denbi kale oo ah ka ganacsiga dadka.

Ninkan oo da’iidu 32-jir tahay oo todbaadyo kahor isaga iyo afar qof oo kale oo dhamaantood asalkoodu Soomaali yahay ay Booliiska dalkaasi gacanta kusoo dhigeen ayaa sidoo kale lagu soo eedeeyey in uu dad u tababaray sidii ay falal Argagixiso u geysan lahaayeen.

Bartamihii bishii 9-aad ee sanadkan ayey ahayd markii ugu horeysey ee ay ciidamada Booliska ee dalka Finland shaaciyeen in ay gacanta kusoo dhigeen dadka looga shekisan yahay ku lug lahaanshaha falal argagixiso.

Waxaana xiligaas la xiray labo qof oo Soomaali ah kuwaas oo lagu soo eedeeyey in ay dhaqaale ku taageereen kooxda dowlada KMG ah ee Soomaalia dagaalka kula jirta ee Al-shabaab oo iyadu ah mid xiligan ku jirta liiska Caalamiga ah ee Ururada argagixisada.

Sidoo kale Booliska finland ayaa xiray labo qof oo kale oo iyagana lagu soo eedey in ay arintaas wax ka ogaayeen kuwaas sida ay laamaha ammaanka ee Finland shaaciyeen weli ay baaritaano ku socdaan.

Si kastaba ha ahaatee xariga dadkan asalkoodu Soomaalida yahay ee dalka Finland lagu xir xiray ayaa ah mid ay Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaas ku dhaqani ay siyaabo kala duwan uga hadleen waxaana jira qaar kamid ah oo arintaas aad walaac uga muujiyey.

Xigasho : http://horseedmedia.net/2011/11/09/mid-kamida-dad-horay-finland-loogu-xiray-oo-denbi-ka-ganacsiga-dadka-ah-lagu-soo-eedeeye/