• ETUSIVU
    • PROFIILI
      • TOIMINTA
      • PROJEKTIT
    • UUTISET
      • SOMALI UUTISET
      • FEATURED ARTICLES
    • SOMALIT SUOMESSA
      • SUOMEN HISTORIA
      • SOMALIEN DIASPORA
    • SOMALIAN HISTORIA
      • USKONTO & KULTTUURI
    • YHTEYSTIEDOT
    • ILMOITUSTAULU

Xukuumada Finland oo ku heshiisay miisaaniyada sanadka soo socda ee 2013

Aug 31, 2012 with: Commnets

  • Tweet

Martti Kainulainen / Lehtikuva

Xisbiyada katirsan xukuumada Finland ayaa shalay heshiis ka gaaray miisaaniyada sanadka soo socda. Waxaa lagu heshiiyay in la dhimo qarashaadka dowladda canshuurtana xoogaa la adkeeyo.

Miisaaniyada sanadka soo socda ayaa lagu heshiiyay in ey noqoto 54 miljardi oo euro. Qarashaadka ku baxa maamulka ayaa waxa hoos loo dhimi doonaa 3 prosent, waxaana la qiyaasa in dakhliga canshuuraadka ey 5 prosent sare ukici doonaan. Dowlada ayaa qiyaaseysa iney usoo xarooneyso dakhli la eg 47 miljardi oo euro.

Miisaaniyada sanadka soo socda ayaa waxey ka hooseya dakhliga dowlada usoo xaroonaya 7 milajardi oo euro. Waxaana miisaaniyada lagu kabi doonaa deyn ey qaadato dowladda. Taasoo ka dhigi doonta deynta dowladda Finland lagu leeyahay 96 miljardi oo euro.

Xisbiyada katirsan xukuumada ayaa isku haayey miisaaniyada ku baxa daryeelka dadka waayeelka iyo sida loo adkeyn lahaa canshuurta. Madaxda xisbiyada mucaaradka ayaa dhaleecayay qorshaha xukuumada, iyagoo qaarkood ey qabaan in lacagaha mucaawinada iyo gunada shaqo la’aanta la dhimo.

Tags: miisaaniyada • xukuumada

Comments

  • Knowledge is Power -Event

  • Somali fairy tales

  • Aqoon Waa Awood- Koulutustapahtuma

  • LINKIT

    • Hiiraan Online
    • Horseed Media
    • Maailma.net
    • Radio Warsan
  • Julkiset palvelut

    • Euroopan unionin
    • INFOPANKKI
    • KELA
    • Maahanmuuttovirasto
    • POLIISI
    • Työ- ja elinkeinotoimisto
  • Uutisia

    • Helsingin Sanomat
    • MTV3
    • Selkouutiset
    • Turun Sanomat
    • YLE
© Copyright Suomen Somali Web Portal 2013. All rights reserved.