Xukuumada Finland oo dhimeysa miisaaniyadeeda
Mar 24, 2012 with:
Xukuumada Finland ayaa dhimeysa miisaaniyada dowlada, dakhliga canshuurahana kordhineyso in ku dhow 3 miljardi oo euro. Dowlada Finland ayaa miisaaniyadeeda dhimeysa, si dhaqaalaha dalka uusan hoos ugu dhicin.
Xukuumada ayaa ku heshiisay in canshuuraha badeecada 1 prosent la kordhiyo, taasoo sare uqaadeysa maciishada dalka Finland.
Waxaa kale lasoo saaray canshuur loogu magac daray (solidaarisuusvero) oo lagu soo rogay dadka taajiriinta ah. Canshuurtaas oo saameneysa dadka daqligooda ka badan 100 000 sanadkii.
Xukuumada ayaa isku raacday in aan la dhimin ceyrta la siiyo dadka shaqo la’aanta ah.
