• ETUSIVU
    • PROFIILI
      • TOIMINTA
      • PROJEKTIT
    • UUTISET
      • SOMALI UUTISET
      • FEATURED ARTICLES
    • SOMALIT SUOMESSA
      • SUOMEN HISTORIA
      • SOMALIEN DIASPORA
    • SOMALIAN HISTORIA
      • USKONTO & KULTTUURI
    • YHTEYSTIEDOT
    • ILMOITUSTAULU

Xisbiyada Keskusta iyo RKP oo hogaan cusub doortay

Jun 14, 2012 with: Commnets

  • Tweet

Qaar kamid ah xisbiyada siyaasadeed ee dalka Finland ayaa xagaagan doortay hogaan cusub. Xisbiga Keskusta oo ah xisbiga mucaaradka hogaamiya ahna xisbiga sadexaad ee ugu kuraasta badan baarlaamanka Finland ayaa hogamiye udoortay Juha Siipilä. Jagada xisbigaas ayaa waxaa wareejisay Mari Kiviniemi oo iyada hore uso heysay jagada xisbiga iyo ra’iisul wasaaraha dalka Finland.

Juha Siipilä waxaa la tartamay musharixiinta kala ah Tuomo Puumala iyo Paavo Väyrynen. Waxaana uu wareegi labaad uu kaga guuleystay Tuomo Puumala codad dhan 1251 – 872.

Waxaa sidoo kale shir sanadedki xisbiga RKP ee ka dhacay Kokkola lagu doortay gudoomiyaha cusub ee xisbiga. Waxaa tartanka gudoomiyaha xisbiga ku guuleystay Carl Haglund oo xilka kala wareegaya gudoomiyihi hore ee Steffan Wallin oo hada ah wasiirka difaaca ee dalka Finland.

Gudoomiyaha cusub Carl haglund ayaa ah siyaasi da’yar oo ka tirsan golaha baarlamaanka Yurub, xilkaas oo dhowaan ku wareejin doono Nils Torvalds. Gudoomiyaha cusub ayaa sidoo kale kala wareegi doono jagada gudoomiyaha iyo jagada wasiirka gaashaandhiga gudoomiyii hore ee Steffan Wallin.

Tags: keskusta • rkp • xisbiyada

Comments

  • Knowledge is Power -Event

  • Somali fairy tales

  • Aqoon Waa Awood- Koulutustapahtuma

  • LINKIT

    • Hiiraan Online
    • Horseed Media
    • Maailma.net
    • Radio Warsan
  • Julkiset palvelut

    • Euroopan unionin
    • INFOPANKKI
    • KELA
    • Maahanmuuttovirasto
    • POLIISI
    • Työ- ja elinkeinotoimisto
  • Uutisia

    • Helsingin Sanomat
    • MTV3
    • Selkouutiset
    • Turun Sanomat
    • YLE
© Copyright Suomen Somali Web Portal 2013. All rights reserved.