Xagee mareysaa dacwadii ninka argagixisada lagu tuhunsanaa?
Jul 09, 2012 with:
Dacwad la xiriirta argagaxisada caalamiga ee aheyd tii ugu horeysay ee ka furanta dalka Finland ayaa baaritaankeeda si dar dar leh kusocdaa xagaagan an hada kujirno. Hayadaha amniga ee baaritaanka
wada ayaa sheegay in xagaaga kadib ey furi doonaan dacwadooda oo hada wali ka maqan yihiin xogtii loo wada baahnaa.
Sarkaalka madaxa ka ah baaritaankan Kaj Björkvist ayaa sheegay in asbuucii lasoo dhaafay ey wareysiyo kasoo qaadeen dad ku nool magaalada London.
Tirada dadka la tuhunsan yahay ayaa ah kuwa gaaraya ilaa 10 qof, walow uusan sarkaalka sheegin tirada rasmiga ah ey yihiin. Dadka la tuhunsan yahay ayaa isugu jira kuwa dalka gudihiisa jooga iyo kuwo dibedaha jira.
Dacwadan ayaa waxaa ku lug leh ururka argagixisada al shabaab ee ka howlgala Soomaaliya iyo dalal kale oo ka baxsan Soomaaliya.
Booliska wuxuu ka shaki qabaa in dalka Finland laga diri jiray lacago lagu taageero falalka argagaxisada, lacagahaas oo lagu sheegay kuwo dhan kumanaan euro, taasoo lacag badan ka ah dalka Soomaaliya.
Dacwadaan ayaa waxey inta badan quseysa nin soomaali ah oo kunool dalka Finland, ninkaan oo lagu tuhunsan yahay inuu dhaqaale u ururin jiray kooxaha ka dagaalaama Soomaaliya iyo dhalinyaro ka qeyb qaadata dagaalada.
