Waaxda socdaalka oo xafiis ka furaneysa magaalada Turku
Aug 15, 2012 with:
Waaxda socdaalka dalka Finland (Maahanmuuttovirasto) ayaa xafiis ka furaneysa magaalada Turku bishaan august ee sanadkan 2012. Talabadaan ayaa kamid ah talabooyinka ey waaxda ku dooneyso iney ku dadajiso go’aamada codsiyaasha faraha badan ee soo gaara xafiiska Maahanmuutovirasto.
Xafiiskan cusub ee Turku ayaa wareysiyada ka qaadi doona dadka kaamamka kujira ee magangelyo doonka ah. Magaalooyinka Helsinki, Turku, Lappeenranta iyo Oulu ayaa waxaa kuyaala kaamam transit ah oo si kumeel gaar ah llgu hayo qaxootiga cusub.
Waaxda socdaalka ee Maahanmuuttovirasto ayaa xafiisyo kuleh dhamaan magaalooyinkaas, waxaana udanbeeyay xafiiskan cusub ee hada laga furayo magaalada Turku.

