Turku oo lagu soo bandhigay dhaqanka soomaalida (sawiro)
May 12, 2012 with:
Magaalada Turku ayaa waxaa ka dhacay festival lagusoo bandhigay dhaqanka soomaalida, festivalkan oo socday mudo 2 asbuuc ayaa waxaa isla soo qaban qaabiyay ururka jaaliyada soomaaliyeed ee turku iyo ururka Turku 2011-säätiö.
Bandhigaan ayaa waxaa lagusoo bandhigay qeybaha kala duwan ee dhaqanka soomaalida, sida cuntada, fanka iyo suugaanta iyo taariikhda guud ee Soomaaliya.
Waxaa soo booqday dad tiradoodu kor udhaafeyso 1000 qof oo isugu jira Soomaali, Finlandeys iyo ajaanibta kale.
Waxaa goobta ka muuqday aqal soomaali iyo alaabaha kale ee dhaqanka soomaalida, sida alaabaha reer miyiga iyo dharka hidaha iyo dhaqanka.
Waxaa gabagabdadii bandhiga kasoo qeyb galay fanaanka weyn ee Xassan Aden Samatar. Fanaanka ayaa waxaa soo dhaweeyay Soomaalida kunool magaalada Turku, halkaas oo masuuliyiin kasocota magaalada Turku ey abaalmarin ku gudoonsiiyeen fanaanka Xassan Aden Samatar.













