Tirakoobka Finland oo kor ukacay
Aug 02, 2012 with:
Tirakoobka dalka Finland ayaa gaaray 5,4 milyan. Tirakoobka shacabka Finland ayaa sanadkan waxaa ku darsoomay 10 000 oo qof, tiradaan ayaa ah mid waxyar ka hooseysa tiradii sanadkii hore.
Kor u kaca tirakoobka ayaa waxaa keenay markii dadka usoo guuraya dalka Finland ay hada ka bateen dadka ka guura dalka.
Sanadkii udanbeeyay waxaa dalkii Finland usoo guuray in ka badan 14 000 oo qof inta ka guurtay dalka Finland. Tirakoobka udanbeeyay ee dalka Finland ayaa ah 5 411 098 oo qof.

