Sweden oo rabta iney joojiso qaabilaada qaxootiga soomaalida
Nov 15, 2012 with:
Waaxda Socdaalka ee dalka Sweden ayaa warbixin ey soo saartay kaga hadashay xaalada Soomaaliya iyo qaxootiga Soomaalida ee dalkaas magangelyada weydiista. Hayada ayaa sheegtay in xaalada amni ee Soomaaliya ey tahay mid soo hagageysa, dalka Soomaaliyana qeybo kamid ah ay nabad kajirto, dadka Soomaalida ee dhibaatooyinka kasoo qaxay ey amaan ka heli karaan isla dalkooda gudihiisa.
Siyaasada guud ee dalka Soomaaliya ayaa ah mid ad u qasan laakiin amaanka ayaa ahaa mid mudooyinkii danbe soo adkaanaayey, kadib markii dowlada federaalka Soomaaliya iyo ciidamada Amisom ey magaalooyin badan oo koonfurta Soomaaliya ey kaa saareen kooxda Al shabaab.
Dalka Finland ayaa inta badan kaga deysta siyaasada qaxootiga iyo soo galootiga dalka Sweden. Esko Repo oo ah sarkaalka usareeya waaxda socdaalka qeyta qaxootiga ayaa sheegay in dalka Finland uusan wali wax badan ka badaleyn aragtidiisa ku aadan qaxootiga ka yimaada dalka Soomaaliya.
Dalalka Finland iyo Sweden ayaa isku waafaqsan in Puntland iyo Somaliland ey yihiin degaano ey nabad kajirto. Wali ma muuqato waxaan aragtideena uga badalno xaalada guud ee Soomaaliya, waan lasocona in xaaladu kasoo reyneyso laakiin 2-3 bilood maaha waqti wax lagu qiimeyn karo, ayuu yiri Esko Repo.
Sanadihii lasoo dhaafay Soomaalida waxey ahaayeen dadka ugu tirada badan ee qaxootinimo ku yimaada Sweden, bilihii udanbeeyay ayaa waxaa ka batay qaxootiga ka yimaada dalka Syyria.
Dalka Sweden ayaa waxaa kunool Soomaali lagu qiyaasay 40 200 oo qof, halka jaaliyada soomaaliyeed ee kunool dalka Finland lagu qiyaaso 14 000 oo qof.
Sanadkaan waxaa dalka Finland soo gaaray ilaa 165 qof oo qaxooti soomaaliyeed ah, sanadki 2009:ka ayaa noqday sanadkii ugu badnaa qaxootiga soomaalida ee soo galay dalka Finland markaas oo ey gaareen 1 500 oo qof.
