• ETUSIVU
    • PROFIILI
      • TOIMINTA
      • PROJEKTIT
    • UUTISET
      • SOMALI UUTISET
      • FEATURED ARTICLES
    • SOMALIT SUOMESSA
      • SUOMEN HISTORIA
      • SOMALIEN DIASPORA
    • SOMALIAN HISTORIA
      • USKONTO & KULTTUURI
    • YHTEYSTIEDOT
    • ILMOITUSTAULU

Seminaar looga hadlayey suxufiyinta ka howlgala meelaha dagaalada kajiraan (Sawiro)

Nov 14, 2009 with: Commnets

  • Tweet

siminaarWaxaa shalay magaaladda Helsinki ka dhacay seminaar ku saabsanaa khatarta ey la kulmaan suxufiyiinta ka howlgala meelaha dagaalada ka socdaan ee dunidda. Waxaa kulankaan soo qabanqaabiyayyay ururka suxufiyiinta ee dalka finland, iyagoo kaashanaya wasaaradda arrimaha gudaha ee Finland.

Seminaarka ayaa waxaa furay Secreteryga xukuumadda ee wasaaradda Arimaha gudaha Antti Pelttari, waxa uu ka hadley sida ay dawladda Finland xooga u saartey wax ka qabadka xalinta khilaafaadka ee aduunka waxaana sanadkii 2008-dii loo magacaabey guddi gaar ah uu uu dhisey raysalwasaare Matti Vanhanen, Antti Pelttari ayaa ka sheekeeyay meelaha ay ka hawlgalaan khabiiriinta u dhashey dalkan Finland ee xaliya khilafaadka isla markaasna tababarka siiya suxufiyiinta ka hawlgala goobahaas.

Seminaarka ayaa waxaa ka hadlay Juha Rekola oo ah xoghaya ururka suxufiyiinta ee dalka Finland. Juha ayaa sheegay in suxufiyiinta ey kala kulmaan dhibaatoyin badan kooxaha isku haya meelaha dagaalada kajiraan, iyagoo lagu qasbo ineysan ka hadlin waxa meesha kajira ee dhabta ee layiraahdo inaga sidan wax u aragno usheega, taasoo wax udhimeysa saxaaafdda xorta ah. Masuulkan ayaa sheegay in suxufiyinta looga baahan yahay warar madax banaan, isagoo tusaale uso qaatay dagaalki Gaza iyo dagaalkii udanbeeyay ee Georgia iyo dalka Ruushka.

Qodobka labaad ee seminaarka ayaa wuxuu ahaa muhiimada ey leedahay xalinta khilaafaadka ee madaniga ah ama waxa afka finishka lagu yiraahdo (siviili kriisihallinta). Waxaa goobta seminaarka joogay masuuliyiin ka shaqeeya qeybta siviililikriisihallinta ee wasaarada arrimaha gudaha ee Finland. Waxaa qudbadii labaad jeedisay gabadha layiraahdo Sirpa Pietikäinen oo ka socota ururka weyn ee KATU oo arrimahaan ka shaqeeya. Sirpa ayaa sheegtay in xalinta khilaafaadka ee madaniga ka muhiimsan tahay tan awoodda milateriga, waayo mar haduu dagaal qarxo caqliga ma shaqeeyo, dagaaladdana waxaa loogu hortagi karaa ama lagu joojin karaa in la xoojiyo doorka xalinta khilaafadka oo la taageero wadahalada iyo howlaha ey uqabtaan bulshada ku tabaaleysan deegaanada dhibatoyinka kajiraan.

Waxaa seminaarka ka hadashay gabar u dhalatay wadanka Georgia oo la yiraahdo Salla Nazarenko, iyadoo ka hadleysay dagaalki Georgia iyo sida suxufiyiinta labada dhinaca ee Georgia iyo Ruushia xiriir ulahayeen, xiriirkas oo markii danbe burburay. Waxey sheegtay in suxufiyiinta Georgia dagaalka kadib ey dhibaatooyin soo foodsartay, iyadoo sheegtay dagaalkaas kahor in Georgia ey kujirtay dalalka ku fiican saxaafadda xorta ah marka loo bar bardhigo dalalki kale ee ka go’ay Ruushka. Dagaalkaas ayey ku sheegtay in labada dhinacba dacaayado faafin u isticmlayenn saxaafadooda.

[flagallery gid=1 name="Gallery"]

Waxaa iyana seminaarka kasoo qeybgashay gabar suxufiyad ah oo ku sugan Kabul dalka Afganistan iyada oo isticmaalaysa Video Confrence, waxay warbixin ka siisey ka soo qaybgalayaashii xaaladaha kajira meesha. Iyadoo sheegtay iney tababaraan suxufiyiin afganistan ah, waxey tiri isbuucii mar ama labo mar ayaa bam qarxaa, laakiin dadka nolosha waa iska wataan. Saxaafadda Afganistan waxaa ugu badan raadiyha, wargeysyadana waa jiraan, wadankana wuxuu leeyahay ilaa 70 kanaalo teleefishin ah.

Seminaarka oo ay fursad u heleen iney ka qeyb galaan masuuliyinta ururka Horseed ee gacanta ku haya websiteka suomensomali.com ayaa iyagana ka hadlay waxqabadka ey uqabtaan bulshada soomaaliyeed ee Finland, Iyagoo sheegay in Soomaaliya ay kujirto meelaha ugu khatart badan ee ay ka howlgaaan suxufiyiintu, iyagoo ka codsaday wasaaradda arrimaha dibedda iyo hay’adaha kale in ay lasocdaan dhibaatoyinka soomaaliya una diraan khuburo kala shaqeeya xalinta khilaafaadka.

Comments

  • LINKIT

    • Hiiraan Online
    • Horseed Media
    • Maailma.net
    • Radio Warsan
  • Uutisia

    • Helsingin Sanomat
    • MTV3
    • Selkouutiset
    • Turun Sanomat
    • YLE
  • waa wada macaan dumarku

  • FINFO

  • Allekirjoita adressi rasismia vastaan!!

  • LINKIT

    • Hiiraan Online
    • Horseed Media
    • Maailma.net
    • Radio Warsan
  • Julkiset palvelut

    • Euroopan unionin
    • INFOPANKKI
    • KELA
    • Maahanmuuttovirasto
    • POLIISI
    • Työ- ja elinkeinotoimisto
  • Uutisia

    • Helsingin Sanomat
    • MTV3
    • Selkouutiset
    • Turun Sanomat
    • YLE
© Copyright Suomen Somali Web Portal 2012. All rights reserved.