Saunada oo disha sanadkiiba 30-40 qof oo finlandeys ah
Jun 20, 2012 with:
Dalka Finland waxaa kuleelka saunada udhinta sanadkiiba 30-40 qof, sida ay qoreyso xarunta tirakoobka ee dalka Finland.
Isticmaalka saunada ayaa aad ukordhay 40kii sano ee lasoo dhaafay, maadaama sauanada korontada ku shaqeyso uu isticmalkeda batay. Qatarta badisay dhimashada saunada ayaa waxaa sabab ah u ah qamriga iyo dadka cidlada nool.
Dhimashada saunada ayaa ubadan bisha June, dadka ubadan ee ku dhintay waxey ubadan yihiin rag dadodu ka weyn tahay 50 jiro oo qaba xanuunada wadnaha, macaanka ama xanuuna kale.
Tirada dhimashada saunada ayaa ah tiro yar markii lo bar bar dhigo inta sanadkii udhimata qabowga Finland, sanadkii lasoo dhaafay kii ka horeeyay waxaa qabowga Finland uu dilay 96 oo qof.
