Sanadkii hore oo tiradii ugu dad badneyd usoo haajireen dalka Finland
May 01, 2012 with:
Xarunta tirakoobka ayaa shaacisay in sanadkii hore dalka Finland ey usoo guureen dad gaaraya 29 500 oo qof, tiradaas oo ka badan sanadkii ka horeysay 3 100 oo qof, islamarkaana ka dhigeysa sanadkii ugu tiro badnaa ilaa xornimadii dalka Finland.
Dhanka kale waxaa dalka Finland ka guuray dad tiradoodu gaareyso 12 650 oo qof. Taasoo ka dhigeysa tirada isku cel celiska ee usoo guurtay dalka Finland 16 800 oo qof.
Dadka kasoo guuray dalalka EU:da ee usoo guuray dalka Finland ayaa gaaraya 14 900 oo qof, taasoo sidoo kale sanadkii hore ka badan 2 750 oo qof.
Sidoo kale gudaha dalka Finland ayaa gobolada Uusimaa iyo Pirkanmaa ayaa noqday gobolada ugu badan oo ey dad badan usoo guureen, halka gobolada Lappi iyo Kainuu ey dadka isaga soo hayaamee.
