Qoys soomaaliyeed oo ku naf beelay shil gaadiid oo ka dhacay magaalada Rovaniemi
Sep 21, 2012 with:
Nin iyo xaaskiisa ayaa ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay magaalada Rovaniemi ee kutaala waqooyiga dalka Finland. Shilkaan ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay wiil 19 jir ah oo ahaa daraweelka gaariga iyo ilma yar oo 2 jir ah oo ey dhaleen qoyska shilka ku geeriyooday.
Gaariga ayaa marka hore wuxuu ku dhacay baalaha ku yaala wadada isgoyska, markaas kadibna gaariga ayaa galay wadadii ka hor imaaneysa oo ku dhacay gaari bas ah.
Waxaa shilka ku dhintay ninkii baaburka lahaa oo dhinac fadhiyay daraweelka iyo xaaskiisa oo dhanka danbe fadhisay. Wiilka daraweelka ahaa iyo ilmaha dhaawaca soo gaaray ayaa booliska waxey udalbeen helikopter waxaana dhaawacooda loola cararay isbitaalka jaamacadda magaalada Oulu.
Booliska ayaa xaqiijiyay in dadka saarnaa gaariga shilka culus galay ey dhamaantood ahaayeen Soomaali.
Daraweelka gaariga baska ayaan wax dhaawac eysan kasoo gaarin shilka, baska ayaa xiligaas ahaa mid faaruq ah oo dad musaafir ah saarneyn.
