Qalqalka siyaasada Finland iyo guusha xisbiga perussuomalaiset
Aug 26, 2011 with:
Waxaa beryahan muran iyo dood adag kujiray xukuumada cusub ee dowlada Finland, xukuumada ayaa waxaa horyaala oo ilaa iyo hada eysan ka talaabsan saddex qodob oo kala ah kaalinta Finland ee ku aadan deynta wadamada dalalka EU ugu talo galeen iney ku badbaadiyan dhaqaalaha wadanka Gariiga iyo qiimaha lacagta Euroga, miisaaniyada soo socota ee xukuumada Finland iyo tixgelinta guusha xisbiga Perussuomalaiset ka heleen doorashadi baarlamanka ee bishii April.
Shacabka Finland ayaa ku kala qeybsan aragtida EU:da, dad badan ayaa u arka ineysan kamid ahaanshaha isbaheysigaas uusan wax faa’ido ah usoo kordhineyn dalka Finland, maadama dalalkaas ey aad ugu kala horumarsan yihiin dhaqaalaha iyo waxsoosaarka. Dhanka kale dadka taageersan EU:da ayaa ku andacoonaya ineysan Finland ka maarmin ururka EU maadaama dalka Finland uusan qani ku aheyn qeyraadka dabiciga uuna yahay dal dhaqaalihiisa ku tiirsan yahay suuqgeynta dibedda, ganacsiga ugu badana uu kala dhaxeeyo dalalka katirsan EU:da.
Welwelka shacabka ka qabaan isbaheysiga EU iyo hoos udhaca dhaqaale ee kajira dalka Finland ayaa waxey fursad siisay xisbiga xagjirka ee (perussuomalaiset). Xisbigaas oo ah mid curdan ah oo la aasaasay 1994 ayaa wuxuu helay guushii ugu weyneyd doorashadii baarlamanka ee dhacday horaantii sanadkaan. Xisbiga ayaa wuxuu helay 39 kursi, iyadoo markii kahoreysay uu ku lahaa baarlamanka 5 kursi kaliya.
Xisbigaan ayaa qorshihiisa ugu muhiimsan waxaa kamid ahaa inuu adkeeyo siyasada soo galootiga, inuu kasoo horjeesto deymaha lagu caawinayo wadamada EU ee kujira burburka dhaqaale.
Doorashadi baarlamanka kadib waxaa wadahadalki lagu dhisayay xukumada ka baxay ururka (perussuomalaiset) oo la filaayay iney xukumada kamid noqon doonaan. Xisbiga perussuomalaiset ayaa lagu cadaadiyey inuu aqbalo deynta Portugal, xisbigaas oo hore ugu tartamay inuusan ka qeyb qaadan doonin deymaha lasiiyo dalalka EU ee lasoo darastay burburka dhaqaale ayaa isagoo go,ankisa ku adkeysanaya ka baxay wadahadalki lagu dhisaayey xukuumada.
Xisbiyada kale ee waaweyn (kokoomus, SDP) ayey arrintaan u aheyd guul iyo madax furasho, iyagoo awal ka cabsi qabey hadii perussuomalaiset ay xukuumada kamid noqdaan, iney adkaan doonto wadashaqeynta dalka Finland iyo ururka EU.
Hadii meesha ka baxday qatartii ey siyaasiyiinta ka qabeen iska horimaadka xukuumada Finland iyo ururka EU, ayaa wali waxaa jira cadaadis ka imanaya shacabka Finland gaar ahaan gudoomiyaha xisbiga perussuomalaiset Timo Soini iyo taageerayaasha xisbiga oo iyagoo dibeda ka ah xukuumada raba iney saameyn ku yeeshaan go’amada xukumada.
Hadaba iyadoo ey jiraan cadaadis gudaha ah iyo mid dibedda ah oo lagu hayo xukuumada cusub ee Finland ayaa culeyska ugu weyn waxa uu ka haysta deynta wadamada EU u qoondeeyeen dalka Gariiga. Xukuumada Finland oo ka caga jiideysay iney buuxiso kaalinteeda deynta ayaa shuruud ku xirtay deynta Gariiga.
Xukuumada Finland ayaa markii hore qorsheysatay iney ururka EU ka dhaadhiciso in deyntaas ey damaanada qaadaan bankiyada iyo hayada waaweyn ee ceymiska ee kajira EU, taasoo socon weyday. Hadana xukuumada Finland ayaa sameysay qorshe ey si gooni shuruud ula galeyso dowlada Gariiga soo celinta deyntaas, hadana madaxda sare ee EU oo ay ugu horeyso Angela Merkel ayaa shalay ka kahortimid heshiiskaas gaarka ah.
Xukuumada ayey hada cadaadis ku saaran tahay iney deynta kula shuraakowdo dalalka kale ee katirsan ururka EU oo ey u hogaansanaato wadashaqeynta ururka EU ama iney si cad udiido iney deynta bixiso, taasoo waxyeeleyn ku yeelan doonta sumcada iyo magaca dalka Finlad.
Suomensomali.com
