• ETUSIVU
    • PROFIILI
      • TOIMINTA
      • PROJEKTIT
    • UUTISET
      • SOMALI UUTISET
      • FEATURED ARTICLES
    • SOMALIT SUOMESSA
      • SUOMEN HISTORIA
      • SOMALIEN DIASPORA
    • SOMALIAN HISTORIA
      • USKONTO & KULTTUURI
    • YHTEYSTIEDOT
    • ILMOITUSTAULU

Päivi Räsänen oo la kulantay wasiirada arrimaha dibedda ee Soomaaliya

Dec 01, 2012 with: Commnets

  • Tweet

Wasiirada arrimaha gudaha Finland Päivi Räsänen ayaa booqasho ku tagtay magaala madaxda Etiopia ee Addis Abeba dhamadkii bishii hore 26.–28.11.2012. Safarka shaqo ee wasiirada ayaa ku wajahnaa sidey ugu kuurgali laheyd xaalada dadka raba iney dalkaas qaxooti ahaan ama sponsor kaga baqoolaan dalka Finland.

Safaarada dalka Finland ee Etiopia ayaa ah safaarada ugu dalabka badan oo ey soo maraan dadka qaxootiga ee raba iney ku biiraan qoysaskooda ku nool dalka Finland.

Wasiirada ayaa safarkeeda waxey Addis Abeba kula kulantay wasiirada arrimaha dibeda ee Soomaaliya Fowsiya Yusuf Haji Adan oo ey ka wada hadleen isbedeleda dalka Soomaaliya iyo qorshaha dowlada cusub ee dalka Soomaaliya.

Wasiirada arrimaha dibeda Soomaaliya ayaa sheegtay in dowlada cusub ey amaanka iyo horumarinta dalka ahmiyada koowaad siineyso, waxeyna ka codsatay dowlada Finland iney ka taageeraan dhanka dib udhiska booliska iyo arrimaha bulshada.

Wasiirada Päivi Räsänen ayaa safarkeeda waxey la kulantay wasiiro, hayado caalami iyo shaqaale finlandeys ah oo Addis Abeba ka howlgala, waxey kaloo soo booqatay xerada qaxootiga Doolow.

Tags: addis abeba • fowsiya • päivi

Comments

  • Knowledge is Power -Event

  • Somali fairy tales

  • Aqoon Waa Awood- Koulutustapahtuma

  • LINKIT

    • Hiiraan Online
    • Horseed Media
    • Maailma.net
    • Radio Warsan
  • Julkiset palvelut

    • Euroopan unionin
    • INFOPANKKI
    • KELA
    • Maahanmuuttovirasto
    • POLIISI
    • Työ- ja elinkeinotoimisto
  • Uutisia

    • Helsingin Sanomat
    • MTV3
    • Selkouutiset
    • Turun Sanomat
    • YLE
© Copyright Suomen Somali Web Portal 2013. All rights reserved.