Ololaha barafka oo ka socda wadooyinka Finland
Dec 18, 2012 with:
Hayada gaadiidka ee dalka Finland ayaa sabtidi hore bilawday olole la magacbaxay (Operaatio Lumihiutale). Ololahaan ayaa ah mid loogu talo galaya in lagu saacido dadka gaadiidka wata ee wadooyinka dhibato ku qabsato, waxaana ka qeyb qaadanaya dad badan oo si iska wax uqabso ah xoogooda ugu tabarucaya.
Ololaha Operaatio Lumihiutale waa markii 44:aad oo la qabanayo olole ceynkiisa ah, wuxuuna bilawda bisha December ilaa bisha Janayo horaanteda.
Waxaa isna bilawday axadii bilawday olole kale oo u gurmanaya gaadiidka xiliga barafka badan ee aan kujirno ololahaas oo loogu magac daray xaflada masiixiga ee chrismaska.
Waxaa maalmihii udanbeeyay dalka Finland ka da’ayay baraf an kala joogsi laheyn oo sababay iney hakad galaan gaadiidka, waxaana jiray shilal badan oo ka dhacay wadooyinka waaaweyn. Barafka ayaa gaaray inta udhaxeysay 20-50 cm gebi ahaan dalka Finland.
