Nin qatar galiyay ra’iisal wasaaraha Finland oo la qabtay
Oct 25, 2012 with:
Jyrki Katainen oo kula kulmayay taageerayaasha xisbiga Kokoomus barxada weyn ee magaalada Turku ayaa waxaa dadkii soo dhoweynaayay kujiray nin dhalinyaro ah oo markii uu salaamay ra’iisal wasaaraha mindi lasoo baxay isagoo si kaftan leh ra’iisal wasaaraha ugu sheegay inuu nolosha ka quustay.
Booliska ayaa isla goobtaas ninka dhulka la galay oo ka saaray goobta. Ninkaan oo lagu tuhmayo inuu maskixiyan jiran yahay ayaa maanta maxkamada sii deysay, inkastoo dacwadiisa ey sii socoto.
Ra’iisal wasaaraha Jyrki Katainen ayaa dhacdadaan ka gaabsaday isagoo sheegay inuu ka xun yahay dhacdadan maadaama ey wax udhimeyso sumcadii hore ee lagu yaqaanay in dalka Finland uu yahay meel amaan buuxda uu kajiro oo siyaasiyiinta magaca leh eysan naftooda ubaqin.

