Nin gabar 8 jir ah ku afduubay magaalada Kotka
Oct 03, 2012 with:
Maxkamad kutaala magaalada Kymenlaakso ayaa xabsi ku xukuntay nin 20 jir ah oo gabar yar afduubtay. Ninkaan ayaa dembiga qirtay maxkamada horteeda, laakiin wali eysan cadeyn sababaha ka danbeeyay falka.
Ninkaan ayaa gabar yar oo 8 jir ah afduubtay iyadoo iskuul kusocota, gaari caasi intuu ku riday ayaa xarag ku xiray gacmaha kadibna kagasoo tagay guryaha duurka kuyaal ee lagu nasto. Gabadha yar ayaa telefankeeda ka wacday hooyadeeda kadibna waxaa goobta gaaray booliskii ku raad joogay gabadha.
Wali waxaan cadeyn waxyaabaha ku kalifay ninkan dhalinyarada ah inuu falkan ku kaco, waxaana saaxiibadiisa ay sheegeen inuu yahay nin dabeecad cajiib ah leh oo an la fahmi karin.
Waxey kaloo sheegene booliska dhacdada baaraayey in ninkaan tusaale ka helay musalsalada kasoo gala TV:ga oo dhacdooyinkas kuwo u eg inta badan lagusoo qaato.
