Muslimiinta kunool Finland oo baaq kasoo saaray filmkii lagu aflagaadeyay Nabi Muxammad (AHUN)
Sep 18, 2012 with:
Muslimiinta kunool dalka Finland ayaa baaq kasoo saaray filimkii lagu aflagadeynayey Nebigeena Muxammad (AHUN). Baaqaan ayaa aad loogu dhaleeceyay dadkii sameeyay filimka, waxay kaloo baaq udireen dunida Islaamka oo meelo badan ey ka dhaceen mudahaaradyo rabshada wata.
Waxaa baaqaan ku qornaa, “Dalalka qarbiga waxaa marwalba lagu tuntaa sharafta iyo qiyamka dadka muslimiinta”. Meel ka dhaca iyo aflagaadada lagu hayo diinta Islamka waxey kow ka tahay weerarka iyo colaada lagula jiro in diinta Islamka ku faafto dunida inteeda kale.
“Dhaqanka iyo sunada nabigeena waxey na fareysaa in aan nafteena xakameyno oo sharciga dhowrno, xitaa markii nalaga gardaroodo” ayaa ku baaqa ururada muslimiinta dalka Finland.
Sidoo kale waxaa baaqa ku qoran in ururada ey dhaleeceynayaan mudaharadyadii rabshadaha watay ee ka dhacay dunida Islamka. Waxey ururada sheegeen in ey taagersan yihiin saxaafadda madaxbanaan laakiin saxaafadda iyo warbaahinta looga baahan yahay masuuliyad iyo xilkasnimo.
Baaqaan ayaa waxaa soo saaray golaha muslimiinta Finland ee (SINE) jimcadii hore, waxaana saxiixay ilaa 15 urur oo kamid ah ururada muslimiinta ee dalka Finland.
