Mohamed “Mo” Farah oo ku guuleystay orodka dheer 5000 meter
Jun 27, 2012 with:
Mohamed “Mo” Farah oo ah orodyahan caan ah oo u orda dalka boqortooyada Britain ayaa maanta ku guuleystay oradka 5000 meter ee tartanka ciyaaraha atleticada ee Yurub ee ka socda caasimada dalka Finland ee Helsinki.
Mo Farah oo asal ahaantiisa udhashay dalka Soomaaliya ayaa si xaraga leh u galay kaalinta koowaad, isagoo hogaaminayay orodka bilaw ilaa dhamaad.
Farah ayaa wuxuu noqday orod yahanki koowaad oo laba mar oo isku xigtay ku guuleystay orodka 5000 meter ee tartanka ciyaaraha atleticada ee Yurub.
Farah ayaa hada isha ku haya ciyaaraha olympicada ee isla xagaagan ka dhacaya magaalada London, kuwaasoo u ka qeybgali doono tartamada 5000 iyo 10 000 meter. Orodyahanka ayaan wali ku guuleysan bilada olymicada.

