• ETUSIVU
    • PROFIILI
      • TOIMINTA
      • PROJEKTIT
    • UUTISET
      • SOMALI UUTISET
      • FEATURED ARTICLES
    • SOMALIT SUOMESSA
      • SUOMEN HISTORIA
      • SOMALIEN DIASPORA
    • SOMALIAN HISTORIA
      • USKONTO & KULTTUURI
    • YHTEYSTIEDOT
    • ILMOITUSTAULU

Mediada oo fadeexad an jirin ku eedeysay jaaliyada guud ee dalka Finland

Nov 24, 2012 with: Commnets

  • Tweet

Kuva: Ylen Elävä Arkisto

Isniinta hore ee isbuucii lasoo dhaafay waxaa teleefishinka qaranka ee Finland lagusoo qaatay barnaamij lagu magacaabo ‘Somaliliiton likapyykki’, barnaamijkaas oo ku eedeeyey jaaliyada guud ee Somaliliitto iyo Masaajidka Pasila ee Suomen Islamin Keskus kuwa dib udhac ku haya horumarka bulshada Soomaaliyeed ee kunool dalka Finland.

Barnaamijkaas oo inta badan soo bandhigo mowduucyo xasarad abuura ayaa wuxuu ahaa mid hal dhan wax ka eegaya oo qaab dabagal ah loo sameeyay. Waxaa barnaamijka lagusoo qaatay xubno hore oo katirsanaan jiray madaxda ururka iyo kuwo yiri iney la fikir yihiin oo laakiin ka cabsaday in wajiyadooda leys tuso oo dhamaantood ku eedeeyay ururka meel ey haystaan koox yar oo wadaado ah oo diinta ku qaraabta.

Dhanka kale gudoomiyaha ururka Somaliliitto iyo Imaamkii hore ee masaajidka Pasila ayaa iska difaacay eedeymahaas iyagoo sheegay in ururka iyo masjidka ey labo arimood kala yihiin, laakiin shaqsiyan inuu qof walba xaq uleeyahay inuu xubin ka noqdo ururka. Waxey kaloo masuuliyiintaas sheegeen inuu ururka iyo masjidka toona uusan xariir la lahayn kooxo argagixiso ah, taasoo ey soo cadaayeen laamaha amniga ee dalka Finland marhore oo eedeymo noocaan ah laga gudbiyay.

Waxaa xusid mudan in barnaamijkan uu umuuqday mid cinwaankiisa uu aha mid la buun buuniyay oo ku qorneed in Somaliliitto lagu eedeynayo falal musuqmaasuq, cagojugleyn iyo caburin ey ku hayaan bulshada Soomaalida ee Finland iyo iney xiriir la leeyihiin kooxaha xagjirka ee ka dagaalama Soomaaliya.

Dad badan oo barnaamijka daawaday ayaa waxey ka yaabeen cinwaanka iyo barnaamijka wixii lagusoo qaatay sidey ukala fogaayeen, iyadoo markii danbe eedeymihii barnaamijka ey kusoo koobmeen qarashyo yar yar oo ku baxay shidaal iyo pizza .

Waxaa ayaan darro ah in isqabqabsiga ka dhex jira ururada Soomaalida uu gaaro her mediada wax aan jirin laga faafiyo, maadaama markii horeba mediada dalka Finland ey aheyd mid mad madow uraadisa shacabka Soomaaliyeed ee kunool dalka Finland.

Tags: fadeexad • jaaliyad • MOT • somaliliitto

Comments

  • Banaanbax ka dhacay Helsinki oo lagu cambaareeyay dalka Koonfur Afrika

  • Ogeysiis ku socda shaqala (mushaaraha iyo lacagta howlgabka)

  • Knowledge is Power -Event

  • LINKIT

    • Hiiraan Online
    • Horseed Media
    • Maailma.net
    • Radio Warsan
  • Julkiset palvelut

    • Euroopan unionin
    • INFOPANKKI
    • KELA
    • Maahanmuuttovirasto
    • POLIISI
    • Työ- ja elinkeinotoimisto
  • Uutisia

    • Helsingin Sanomat
    • MTV3
    • Selkouutiset
    • Turun Sanomat
    • YLE
© Copyright Suomen Somali Web Portal 2013. All rights reserved.