Maxkamada oo xabsi ku riday ninkii dadka ku xabadeeyay magaalada Hyvinkää
May 29, 2012 with:
Habeenki sabtida soo galeysay 3:dii subaxnimo ayaa nin dhalinyaro oo finlandeys ah wuxuu xabad ku furay dad maraya centerka magaalada Hyvinkää. Ninkaan ayaa intuu daar korkeeda fuulay meesha ka soo shiishanayey wixii dad oo wadada marayey.
Weerarkan ayaa waxaa ku geeriyooday 2 qof, waxaana ku dhaawacmay ilaa 7 qof. Markii danbe booliska ayaa ku guuleystay inay soo qabtaan ninkan geystay dhacdada oo ahaa wiil 18 jir ah.
Wiilka lagu tuhmay dembiga ayaa maxkamada horteeda ka qirtay dembiyada lagu haysto, maxkamada ayaa xabsi ku xukuntay.
Dhacdadan ayaa noqotay mid warbaahinta gudaha finland iyo dibeddaba aad u hadal haysay weekendiga nasoo dhaafay.
Magaalada Hyvinkää ayaa ku dhawaaqday 2 beri oo baroor diiq ah, labadaas beri oo calanka hoos loo dhigayo.

