• ETUSIVU
    • PROFIILI
      • TOIMINTA
      • PROJEKTIT
    • UUTISET
      • SOMALI UUTISET
      • FEATURED ARTICLES
    • SOMALIT SUOMESSA
      • SUOMEN HISTORIA
      • SOMALIEN DIASPORA
    • SOMALIAN HISTORIA
      • USKONTO & KULTTUURI
    • YHTEYSTIEDOT
    • ILMOITUSTAULU

Maxkamada Espoo oo xukuntay wiilkii dilay wiilkii soomaaliga ee kujiray xaflada qalinjabinta dugsiga sare

Jul 24, 2012 with: Commnets

  • Tweet

Maxkamada Espoo ayaa xukuntay wiilkii dilay wiilka soomaaliga ahaa ee 18 jirka ahaa oo ku jiray xaflada qalinjabinta ee dugsiga sare. Maxkamada ayaa dembiilaha ku xukuntay xabsi 6 sano ah, maadaama uu markaas 17 jir ahaa, waqtiga falka uu geysanayayna uu aha qof aanan ogeyn wuxuu sameynayo oo dilkana wuxuu aha mid aan ku talogal ahayn oo si kama ku dhacay.

Dhacdadan ayaa ka dhacday magaalada Espoo, horaantii sanadkan ee bisha febraayo. Wiilka soomaaliga ayaa wuxuu aaday centerka Helsinki si uu ardayda kale ee dugsiga sare ka qalinjabineysa ula soo xafladeeyo. Wiilka ayaa marku kusoo laabtay Espoo, wuxuu ku talo galayay inuu mid saaxiibadiisa kamid ah xafadahooda seexdo, laakiin markii taas ey usuurtagali weyday ayuu wiil 17 jir ah oo uusan aqoon weydiistay inuu xaafadisa jiif ka heli karo.

Labada wiil ayaa isu raacay xaafad Leppävaara ku taala oo wiilka 17 jirka ah ee finishka degana, wiilka ayaa degana guriga waalidkiisa, laakiin degana qol dabaqa hoose ah oo ka baxsan guriga intiisa kale.
Ugu danbeytii labada wiil ayaa isku maandhaafay dood diimeed, wuxuuna qirtay dambiilaha inuu bir 2 kilo ah madaxa kaga dhuftay, taasoo u ugeeriyooday wiilki soomaaliga.

Makta wiilka

Maxkamada ayaa ku xukuntay wiilka 6 sano oo xabsi ah, xukunka fal dembuyedkan oo kale ayaa aha 9 sano oo xabsi ah, laakiin waxaa loo debciyay maadaama uu dembiilaha ahaa 17 jir xilliga falka dhacay.
Waxey kaloo maxkamada ku xukuntay dembiilaha inuu mak ahaan ubaxsho 8 000 oo labada waalid midkiiba lasiiyo iyo walaalihiisa oo 5 ah oo midkiiba uu siiyo 3 000 euro, taasoo magdhaw u ah dhibaatada iyo xanuunka uu ukeenay reerkaas.

Tags: maxkamad • xukun

Comments

  • Banaanbax ka dhacay Helsinki oo lagu cambaareeyay dalka Koonfur Afrika

  • Ogeysiis ku socda shaqala (mushaaraha iyo lacagta howlgabka)

  • Knowledge is Power -Event

  • LINKIT

    • Hiiraan Online
    • Horseed Media
    • Maailma.net
    • Radio Warsan
  • Julkiset palvelut

    • Euroopan unionin
    • INFOPANKKI
    • KELA
    • Maahanmuuttovirasto
    • POLIISI
    • Työ- ja elinkeinotoimisto
  • Uutisia

    • Helsingin Sanomat
    • MTV3
    • Selkouutiset
    • Turun Sanomat
    • YLE
© Copyright Suomen Somali Web Portal 2013. All rights reserved.