Maanta oo ku beegan maalintii madaxbanaanida dalka Finland
Dec 06, 2011 with:
Dalka Finland ayaa maanta looga dabaal dagaya maalinta madaxbanaanida, maalinta madaxbanaanida madaxweynadda Tarja Halonen ayaa xaflad weyn ku qabata aqalka madaxtooyada. Dalka Finland ayaa waqtigi xornimada uu helay ey kasoo wareegtay 94 sano.
Dhamaan adeegyada bulshada sida dukaamada, bankiyada iyo boostada ayaa dhamantooda ey xiran yihiin maanta, iyadoo lagu maamuusayo maalinta xornimada dalka. Basaska iyo tareemada ayaa ushaqeynaya jadwalka maalinta axadda.
Magaalooyinka kale duwan ee Finland waxaa ka dhacay xaflado kale duwan oo lagu maamuusayo maalinta xornimada, magaalada Tampere waxaa maraya guutooyin ka tirsan ciidanka difaaca ee Finland, magaalada Helsinki waxaa ka dhacay xaflado diimeed oo loogu tala galay munaasabada xornimada.
Wadanka Finland ayaa xornimada helay 6. december sanadkii 1917. Xornimadiisa kahor dalka Finland wuxuu ka tirsana Ruushka in ku dhaw 100 sano. Wixii kahoreeyay dalka finland wuxuu katirsanaa sweden.
Madaxweynadda Tarja Halonen ayaa sanadkedi udanbeeyay martigalineysa xafladda madaxbanaanida ee lagu qabto aqalka madaxtooyada, madaxweynada ayaa 11 sano soo haysay talada dalka Finland, wuxuuna waqtigeda ku egyahayay horaanta sanadka soo socda.
Tarja Halonen ayaa ah madaxweynihii 11:aad ee soo mara dalka finland waana madaxweynaddii ugu horeysay oo haween ah.
Maanta oo kale dalka Finland waa ciid waxaana lagu qabtaa xafladda u weyn aqalka madaxtooyada halkaas oo ay isugu yimaadaan xukuumadda, xildhibaanada, siyaasiyiinta xisbiyada, masuuliyiinta wadanka qaybihiisa kala duwan, diblomaasiyiinta caalamka ka jooga Finland iyo marti sharaf kale waxaana ay ku gacan qaadaan Madaxweynaha waxay ugu hanbalyeeyaan maalinta xornimada Finland.
