Ka hortaga gudniinka dumarka
Sep 18, 2012 with:
Dalka Finland ayaa waxaa mudo ka socday wacyigelin ku saabsan gudniinka, taasoo loo sameeyay dadka ajaanibta. Dadka ajaanibta ayaa sidii hore si ka duwan u arka gudniinka fircooniga ee gabdhaha.
Saido Mohamed oo kamid ah shaqaalaha ka howlgala arrimaha xuquuqal insaanka ayaa sheegtay in dhalinyarada ajaanibta ey ogsoon yihiin dhibaatooyinka la xiriira gudniinka.
Waxaa jira kumanaan dumar ah oo dalkooda hooyo lagusoo guday gudniinka fircooniga markey caruurta ahaayeen. Sanadadii danbe dumar badan ayaa qaliin loogu sameeyay dalka finland gudniinka fircooniga awgiis.
