Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland oo u baroor diiqay xildhibaan Aadan Buulle Maxamuud baaqna udiraya DFKS
Jan 23, 2012 with:
Xaaji Cabdiqaadir Maxamuud Warsame oo ka mid ah odoyaasha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland isla marahaantaasna ay isku heeb yihiin marxuun xildhibaan Aadan Buulle Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka gaabisay in gacanta ay ku soo dhigaan Ciddii ka danbaysay dilka iyo kuwii gacantooda ku fuliyay intaba. Xaaji Cabduqaadir ayaa hadaladisii waxaa ka mid ahaa, haddii dowladda Soomaaliya ay daacad ka yihiin mas’uuliyaddii loo doortay waa in ay naga qanciyaan dilka marxuun xildhibaan Aadan Buulle.
Waxaa isna goobta ka hadlay Dr.Cabdiraxmaan Nuur Buulle (Gaas) oo ah wiil uu adeer u yahay xildhibaan Aadan Buulle Maxamuud.Waxa uu yiri, waxaa nasiib dara ah in xildhibaan ka tirsan dowladda Soomaaliya ay dil u gaystaa Ciidamadda dowladda, misana madaxda dowladda aysan waxba ka qaban oo ay fudu deeysteen dilkaaasi. Dr.Cabdiraxmaan Nuur Buulle (Gaas) waxa sidoo kale uu DFKS iyo dhamaan hay’addaha dowliga iyo kuwa aan dowliga ahayn uu ka codsaday in gacan nalagu siiyo ciddii ka danbaysay dilkaasi sidii loo soo qaban lahaa haddii aan dowladdu aysan waxba ka qabanna aanu u qaadan karnaa in ay wax ka og tahay dowladda dilka loo gaystay Adeer Aadan Buulle Maxamuud.
Marwo Sucaad Jaamac Xirsi oo ah Xaaska marxuun xildhibaan Aadan Buulle Maxamuud ayaa iyaduna ka hadashay geeridii naxdinta lahayd ee loo gaystay Ninkeedii, waxayna dowladda Soomaaliya iyo Madaxweyna Shariif Sheekh Axmed ka codsatay in laga jid bixiyo dilka loo gaystay saygeedii islamar ahaantaasna cadaaladda la horkeeno, si aanu oga qanacno geeridaas foosha xun.
Intaasi oo kaliya kuma koobnay ee waxaa sidoo kale goobta ka hadlay Safiirka u fadhiya Soomaaliya dalka Finland mudane Cali Qaasim waxaana hadal kiisii ka mid ahaa waxaan aad uga xumahay geeridii naxdita lahayd ee loo gaystay saaxiib keey marxuun Aadan Maxamuud Buulle. Kadin markii aan maqlay geeridaasi waxay ii ahayd maalin mugdi ah , mana qiyaasi karo xaalkaygu sida uu ahaa.Xildhibaan Aadan Maxamuud Buulle Ma ahayn nin si foolxun loo dillo ee waxa uu ahaa nin qaran ah , waxaan balan qaadayaa in aan arrinkaas kala hadlo madaxda dowladda jawaab cadna aanu ka heli doono dilka marxuun Aadan Buulle Maxamuud haddii alle-idmo.
Cabdixamiid Aadan Buulle Maxamuud ayaa isna ka hadlay goobtaasi waxa uu yiri. Anoo ku hadlay magaca Ilmo Aadan Buulle Maxamuud waxaan si xushmad ah uga codsanayaa madaxda dowladda Soamaaliya in naloo soo qabto ciddii ka danbaysay dila Aabe Aadan. Haddii naloo soo qaban waayo Aabahay caruurtiisu waa 19 qofood waxaana naga go’an in aanan ka harin dilka foosha xun ee loo gaystay Aabahayaga , Balse haddii dowladda Soomaaliya wax ka qabato waanu ka qancaynaa Insha-allaah.
Dhamaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland, waxgarad keeda aqoonyahanadeeda iyo dhalinyaradeeda ayaa isku aragti ka ahaa in cadaaladda la hor keeno danbiilayaashii ka danbeeyay dilka marxuun xildhibaan Aadan Buulle Maxamuud iyadoo waxa garad kaasi ay ka mid ahaayeen Nabadoon Maxamed Cabdille, Eng.Idiris Xasan Faarax, Aadam Maxamed Maxamed Maxamuud, Dr. Cartan, Nabadoon Muuse Seeraan , Cabiqaadir Aadan Xade (Madaxeey), Dr.Cabdalle, Aadan Cabdi Kharash, Cabdullaahi Axmed Aadan (Cirro) Naboon Cabdi Gureey, Cabdicasiis Cismaan (Garweyne) Ubax Maxamed muuse, iyo dhamaan waxgarad aad u farabadan ku waa soo guud ahaan ka midaysnaa in cadaaladda la hor keeno danbiilayaashaas dilka gaystay.
www.somaliinfo.com


