Jaaliyada Turku oo dooratay gudoomiye cusub
Dec 07, 2012 with:
Jaaliyada Soomaaliyeed ee kunool magaalada Turku iyo nawaaxigeeda (Länsi-Suomen Somaliseura) ayaa dooratay gudoomiye cusub iyo gudiga fulinta ee shaqeyn doona 2 sano ee soo socota. Gudoomiyaha cusub ayaa waxaa loo doortay Abdishakuur Ali, doorashadaas oo ey ka codeeyeen dhamaan goobjoogayaasha shir sanadeedka jaaliyadda.
Shirka sanadlaha ee Jaaliyada Turku oo aha mid heersare loosoo agaasimay ayaa waxaa isugu yimid dad badan oo kasocda jaaliyada Soomaaliyeed ee kunool magaalada Turku iyo magooliyinka nawaxigeeda ah.
Jaaliyada Turku ayaa waxey kamid tahay kuwii ugu horeeyay ee laga aas aaso dalka Finland, waxaana jaaliyada uqabataa barnaamijyo kala duwan dhalinyarada, waayeelka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.
