Helsinki iyo Turku oo lagu tilmaamay magaalooyinka Yurub ugu isticmaalka badan daroogada Amfetamiinka
Jul 29, 2012 with:
Baaritaan laga sameeyay magaalooyinka waaweyn ee Yurub ayaa waxaa ku cadaatay in magaalooyinka Helsinki iyo Turku ey yihiin magaalooyinka ugu isticmaalka badan maandooriyada loo yaqaan Methamphetamine ama Amfetamiinka.
Baaritaanka ayaa ahaa mid tijaabo ka qaadaya biyomareenada 19 magaalo oo ka kooban qaarada Yurub. Labada magaalo waaweyn ee Finland kuyaala ayaa kaalinta koowaad galay heerka isticmaalka Amfetamiinka markii loo eego isticmaalka daroogadaas iyo dadka kunool magaalooyinkaas.
Dhanka kale waxaa muuqatay in ey magaalooyin badan kaga hooseeyeen isticmaalka daroogiyinka kale sida cocaineka iyo ecstasy:ga.
Amfetamiinka ayaa ah daawo marna loo isticmaalo maandoori ahaan, waxaana loo qaataa dhowr siyaabo afka, sanka iyo cirbad ahaan.
