Hayada sirdoonka oo sii xoojineysa howlaheeda ka hortaga
Aug 22, 2010 with:
Hayada sirdoonka dalka Finland ee marka lasoo gabiyo loo yaqano ( SUPO ) ayaa sheegatay iney qabatay howlo ka hortag ah, iyagoo sheegay iney baajiyeen soo galitanaka shaqsiyaad ka iman lahaa galbeedka Afrika kuwasaoo ku lug lahaa argagaxisada caalamiga.
Sarkaalka ugu sareya hayada SUPO Ilkka Salmi ayaa yiri, dadkaan an safaarada ka celinay ayaa ahaa kuwa iyaga xiriir la lahaa ururada argagixisada amaba kuwa ka howl gala ururadaas, laakiin sarkaalka ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin dheeraad ka bixiyo falalka ey shaqsiyaadkan geysteen.
Hayada SUPO ayaa markii ugu horeysay bilawday iney shaqadeda ku baahiso wadamo ka baxsan Finland bilawgii sanadkan markey shaqaale udirtay dalalka Ethopia, Kenya iyo Syyria. Shaqada ugu weyn ay qabtaan ayaa ah iney baaritaan ku sameyan dadka safaaradaha la tacaamula, iyadoo ey kusoo adeyso xili safarada finland ee Ethopia ay kumanaan soomaali ah sponsor uga xaresan tahay.
Hayada SUPO ayaa heshay 850 000 euro si ay howlaheeda usii fushato sanadka danbe, lacagtaan ayaa loogu ogolaaday go’aankii baarlamanka gaaray horantii asbuucan ee qeexayay miisaaniyada dowladda ee sanadka soo socda.

