Haweeney katirsan reer Finland oo lagu eedeeyay iney taageeri jirtey al shabaab
Sep 21, 2012 with:
Booliska dalka Finland ayaa qof haweeney ah oo 41 sano jirta xabsiga utaxaabay taladadii isbuucii hore.Haweeneydan ayaa ah qoftii 6:aad ee lagu eedeynayo iney katirsaneed koox Soomaali ah oo lagu eedeeyay iney xiriir dhaw la leeyihiin kooxaha argagixisada ee ka dagaalama dalka Soomaaliya
Haweeneydan ayaa haysata dhalashada dalka Finland, laakiin waxey
udhalatay asal ahaan Soomaaliya.
Guriga ey degantahay haweeneydan ayaa waxaa lagu sameeyay baaritaan, waxaana lagala baxay dokumentiyo waxaa kaloo baaritaan lagu sameeyay computerka uyaala guriga.
- Sida an ka warhayno haweeneydan qaraabo lama aha dadkii ka horeeyay ee uxirnaa dacwadaan,ayuu yiri sarkaal kasocda xafiiska sirdoonka oo lagu magacaabo Kaj-Erik Björkqvist.
Dacwadaan ayaa ah dacwadii uhoreysay oo dad loo xirxiro eedeymo ku saabsan dembiyo ku saabsan argagixiso caalami ah dalka Finland, waxeyna ka socotaa dacwada dalka Finland, England iyo Sweden oo ilaa 7 qof iyo marqaatiyaal la wareystay.
Dacwadaan ayaa markii uhoreysay la furay xagaagii sanadkii 2011:ka, waxey dacwada quseysaa shaqsiyaad soomaaliyeed oo lagu soo dacweeyay iney xiriir dhaw la lahaayeen kooxaha Al shabaab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya.
