Finland oo ku guuleysatay dalka ugu nolol fiican dunida
Aug 17, 2010 with:
Wargeyska caalamiga ee kasoo baxa dalka mareykanka ( Newsweek ) ayaa sameeyay darasad leysku barbar dhigayo dalalka horumarsan dunida, iyadoo la baarayo sidey u kala nolol fican yihiin. Wadanka Finland ayaa noqday dalka ugu nolosha fiican dunida. Darasadka ayaa gundhigiisu ahaa shan qodob oo kala ah waxbarashada, dhaqaalaha, caafimaadka, beyada iyo siyaasadda.
Su’aasha ka danbeysay baaritaanka ayaa aheyd, wadankee ugu fiican inuu ilmaha ku dhasho si uu uhelo nolol ey udhantahay caafimaad, nabadgelyo, dhaqaale iyo horumar uu heli karo mustaqbalka?
Baaritaan aqooneedkan ayaa wuxuu soo socday bilooyin, waxaana ka qeyb qaatay quburooyin tiro badan oo mareykan ah.
Dalka Finland ayaa dhanka waxbarashada ka galay kaalinta koowaad. Dhanka siyaasadda wuxuu galay kaalinta shanaad, dhanka nolosha sare wuxuu galay kaalinta afaraad, xaga dhaqaalahana kaalinta sideedaad. Marka leysku celceliyo wadanka finland ayaa galay kaalinta koowaad baaritaanka ayaa laga sameeyay boqol dal.
Dalalka Finland kusoo xigsaday ayaa waxey kala ahaayeen Switzerland , Sweden, Australia, Luxemburg, Norway iyo Canada. Dalka Mareykanka ayaa galay kaalinta 11:aad, dalka mareykanka ayaa dhaqaalihiisu sareeya laakiin waxuu ku liitay xaga waxbarashada iyo caafimaadka.

