Fasaxa aabeyaasha oo gaari doona 9 asbuuc
Dec 27, 2012 with:
Aabeyaasha shaqeeya ayaa helaya fasax 9 asbuuc ah sanadka soo socda ee 2013, fasaxaas oo u dhigma 54 maalmood, kuwaas oo aan ku xirney fasaxa hooyada shaqeyso leedahay.
Hada kadib aabaha ayaa 18 oo maalmaha shaqada fasaxiisa ku aadisan karo fasaxa hooyada, taasoo aan saameyn ku yeeleyn fasaxa hooyada iyo gunada hooyada.
Markii hore aabeyaasha shaqeeya ayaa waxey xaq ulahayeen fasax mudo 7 asbuuc ah. Fasaxa aabeyaasha ayaa wuxuu aabuhu qaadan karaa kahor intuusan ilmahu gaarin 2 sano.
Isbedeledaan ayaa waxey saameynayaan qoysaska gunada hooyooyinka ubilaabaneyso dhamaadka sanadka soo socdo.
