Farriin ka socota ururka ardayda Somaliyeed Finland, kuna socota bulshaweynta somaliyeed ee dalka Finland.
Jan 19, 2012 with:
Ururka ardayda Soomaaliyeed ee dalka Finland wuxuu ugu baaqayaa bulshaweynta soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Finland, in ay muhiim tahay codeynta doorashada tartanka madaxwaynaha Finland 2012. Wuxuu ururka u arkaa in danta shacabka Soomaliyeed ey ku jirto in shaqsi walba codeeyyo.
Hadeynu nahay shacabka soomaliyeed, waxaynu nahay shacabka ugu tira badan ee matala islaamka, waxaynu nahay shacabka ugu tira badan ee ka yimaaday qaarada Afrika. Waxaynu nahay qowmiyada ugu tira badan ee ka timid dibada Europe. Isla markaanna waxaynu nahay bulshada ugu badan ee dhibaatooyinka cunsiriyada iyo midabtakoorka kasoo gaaraan dalka Finland.
Hadeynu awoodeyna ku muujino codeynta doorashada madaxweynaha 2012; waxay tilmaayeysaa in xisbiyada ka jira dalka Finland ay ku xisaabtamaan codkeena iyo awoodeyna siyaasadeed, in xisbiyada cunsuriyada eysan ku dagdagin dhibka iyo xumaanta ay la doonayaan shacabkeenna iyo qaasatan dadka muslimiinta.
Muhiimada ururka ma’han in uu u ololeeyya musharax qaas ah ama xisbi qaas. Balse wuxuu ururka u arkaa in ay waajib tahay in uu tilmaamo ahmiyada ey ku fadhido codeynta doorashada madaxweynaha 2012.
Shacabka soomaliyeed ma’han shacab awood dhaqaale u leh, in uu difaacdo xuquuxdiisa, lana dagaalamo si sharciyeysan xisbiyada doonaya xumeynta diinta Islaamka iyo magaca Soomaliyeed.Waxaa fursad qaali ah, in aynu awood u leennahay in aan aragatideena ku muujinno codkeena oo aynu si wanaagsan u isticmaalno.
Codkaaga waa muhiim!!
Suomen Somaliopiskelijoiden Yhdistys Ry.
