Eva Biaudet oo ka hadashay gabdhaha loo diiday salada
Aug 24, 2010 with:
Xarun jirdhiska gabdhaha loogu tala galay oo ku taala magaalada Espoo ayaa laga mamnuucay macamiisha xarunta iney salaadaha ku tukadaa qolka dharka leysaga badalo.
Eva Biaudet oo ah gabadha wakiilka u ah dadka laga tirada badan yahay ayaa sheegtay iney baaritaan ku sameyneyso dhacdadan si ey faahfaahin dheeraad ah uga hesho. Waxey kaloo shegtay in qof walba uu xaq uleyahay inuu diintiisa heysto oo aan si gaar ah loo takoori karin.
Mulkiilaha xarunta jirdhiska ayaa sheegay inuu go’aankaan qaatay markey cabasho usoo gudbiyeen kuwa kamid ah macamishiisa oo ku arkay meesha gabdho salat ku tukanaya.

