Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Ee Dalka Finland Iyo Doorka Soomaalida
Oct 29, 2012 with:
Maalintii shalay (Axad) waxaa dalka Finland ka dhacdey doorashooyinka goloyaasha deegaanka, waxaana u tartamaayey 8 xisbi oo ah kuwa Baarlamaanka Xildhibaanada ku leh iyo qaar kale oo yaryar.
Guud ahaan waxaa doorashada ku guulesytey Xisbiga ajnabi nacaybku ka buuxo ee Perussuomalaiset, “True Finns”, waxaana uu kor u kacay 7%, halka dhamaan Xisbiyada kale ay hoos u dhaceen marka laga reebo Xisbiga Dadka Swedhishka RKP ee halkiisi taagan.
Doorka Soomaalida
Doorashada sanadkan ayaa ahayd mid xiiso u lahayd bulshada Soomaaliyeed, waxaana isku dar tartanka ku jirey 17 musharax oo asalkoodu ka soo jeedo dalka Soomaaliya, inta badan musharixiintu waxa ay ka tartamayeen Caasimadda Finland ee Helsinki iyo degmooyinka kuhareeraysan caasimadda.
Isku dar waxaa ku guuleystey doorashadii afar Xildhibaan oo keliya kuwaas oo hal mid keliya ka soo galay Caasimadda Helsinkihalka, midna uu ka soo galay magaalada Vantaa halka labada kalena ay ka soo galeen magaalada dhacda Galbeedka ee Turku.
Inkasta oo doorashadan loo ogolyahay in ay ka qaybqaataan qofkasta oo degan dalka Finland haystana oggolaansho uu ku noolaan karo, ayaa la dhihi karaa Soomaalida degan Caasimadda iyo hareeraheeda waxay u ahayd mid aan wanaagsanayn 14 Musharax oo hal mid ka guuleystey, waxaana guuldarada musharixiinta badan soo gaartey la filayaa in ay ka timid qaybsanaanta codadka.
Zahra Cabdulle oo ka tirsan Xisbiga Vihrea “Green Party” isla markaana muddo ku soo jirtey goloyaasha deegaanka ee Helsinki ayaa mar kale loo doortey iyada oo ku soo baxdey cod aad u badan oo gaaraya 1406 cod, waxaana codad badan ay ka heshaa Zahra dadka Finiska ah iyo Soomaalidaba, Zahra ayaa horey ugu tartantey Baarlamaanka waxaana ay keentey codad aad u fiican inkasta oo aysan gelin Baarlamaanka.
Faysal Cabdi oo ka tirsan Xisbiga Social Democrati ayaa isaguna ka soo galay magaalada dersika la ah Caasimadda ee vantaa waxaana uu helay codad gaaraya 345 cod.
Caasimaddii hore ee Finland ee Turku ayaa ahayd doorashadeedu mid xiiso gaar ah lahayd, waxaa 12-kii sano ee la soo dhaafey goloyaasha deegaanka u geli jirtey Soomaalida Roodo Xassan oo ka tirsan xisbiga Vihrea “Green Praty”, laakiin sanadkan waxaa isaguna isa soo taagey Calas Cali oo ka tirsan Xisbiga Keskusta “Center Party”.
Dad badan oo reer Turku ah waxay wadnaha farta uga hayeen in codadku kala qaybsami doonaan, isla markaana ay dhici karto halkii kursi ee ay heli jireena in ay waayaan.
Laakiin arintu sidaas ma noqon waxaana labadii Musharaxba ku guuleysteen in ay galaan halka laga maamulo magaalada, taas oo aad uga farxisey Soomaalida oo dhan isla markaana ay heleen laba Xildhibaan oo ka kala socda laba xisbi oo kala duwan in ay u galaan Golaha deegaanka.
Roodo Xassan oo wax badan u qabatey bulshada Soomaalida muddadii ay ku jirtey golaha deegaanka isla markaana khibrad fiican ka dhaxashey muddadii dheerayd iyada oo gaartey kuxigeenka guddoomiyaha golaha deegaanka ayaa ku soo baxdey 362 cod.
Calas Cali oo qudhiisu muddo ka soo shaqeynaayey arrimaha bulshada isla markaana hadda ahaa guddoomiyaha ururka Midnimada Soomaalida Turku ee “Somali Liitto” ayaa ku cusub Goloyaasha deegaanka, waxaana Xildhibaanku ku soo baxay 269cod.
Si kastaba ha ahaatee lama dhihi karo codadka Xildhibaanada cusub ay heleen waxay ka heleen bulshada Soomaalida oo keliya, oo sanadkan si aan horey loogu arag uga qaybqaatey doorashooyinka, waxaase isweydiin mudan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Caasimadda Finland ee Helsinki waxay kor u dhaafayaan 4000 oo qof, waxaana maamulka Helsinki ku jirta hal Xildhibaan oo keliya kaas oo asalkiisu Somali yahay, halka magaalada Turku ay degan yihiin qiyaastii 700 oo Soomaali ah waxaana ay nasiib u yeesheen in labo Xldhibaan oo Soomaaliyeed ay soo galaan maamulka magaalada Turku. Inkasta oo codadka Caasimadda iyo magaalooyinka kale ay kala duwan yihiin, sida Musharaxa la yiraahdo Siciido Maxamed oo ka sharaxneyd Helsinki waxay heshey 497, halka Mukhtaar Abiib oo ka sharaxnaa Helsinki uu helay 749 taas oo aan labadoodaba u suuurta gelin in ay noqdaan Xildhibaano.
Horseed Media
