Doorashada madaxweynaha Finland oo gashay wareegi labaad
Jan 23, 2012 with:
Waxaa markii hore la saadaalinayey in musharaxa xisbiga Kokoomus ee Sauli Niinistö uu kusoo bixi doono tartanka madaxweynaha wareega koowaad, musharaxaas ayaa helay cod gaaraya 37 %, wuxuuna kusoo bixi lahaa wareega koowaad hadii uheli lahaa cod ka badan boqoliiba 50 %.
Sideeda musharaxa ee ku tartameysay jagada madaxeynaha ayaa maalmihii udanbeeyay olole xoog badan ka waday magaalooyinka waaweyn ee Finland, gaar ahaan magaala madaxda dalka ee Helsinki.
Wareegii koowaad ee xalay soo gabagaboobay ayaa waxaa codadka ugu badan helay musharixiinta kala ah Sauli Niinistö iyo Pekka Haavisto oo si adag kaga guuleystay Paavo Väyrynen kaalinta labaad.
Wareega labaad ee doorashada ayaa lagu kala bixi doonaa 5. Febraayo 2011. Labadaan musharax ayaa ah labo nin oo ku kala fog siyaasada oo ka kala socda dhinacyada midigta iyo bidixda, waxaana la saadaalinayaa inuu tartan aad u xiiso badan dhexmari doono labada musharax.


