Dib usaxid: warkii ku saabsanaa qaadashada kaarka daraweelnimada
Dec 31, 2012 with:

Waxaan raali gelin ka bixineynaa war aan qornay asbuucii hore oo ku saabsanaa qaadashada kaarka daraweelka, warkaas ayaan si khalad ufahanay, kadibna si khalad uturjinay, waxaana noo saxay akhristayaasha shabakada suomensomali.
Hadaba warkaas ayaa wuxuu ku khladanaa inaan qornay in qaadashada kaarka ey noqoneyso 2 sano sanadkan cusub, laakiin waxey aheyd inaan raacino, waxa 2 sano noqonaya waa qaaadashada kaarka rasmiga ah daraweelnimada ama Ajakorttiga sharcigaas oo waafaqsan isla kii hore. Isbedelka shuruucda kaarka daraweelnimada ayaa noqonaya saacado lagu darayo koorsada iyo kaarka oo ubaahan cusbooneysiin 15 sano mar, halka markii hore ey macquul aheyd inaad kaarka rasmiga markaad qaadato an lagaga baahneyn cusbooneysii kale ilaa waayeel aad ka noqoto.
Waxaan markale ka cudur daaraneynaa khaladka naga dhacay, waxaana umahadcelineynaa aqritayaasha sharafta leh ee baaritaan kusoo sameyay arintaan si aan umada war sax ugu gudbino.
