Maxaabista uxiran dembiyada kufsiga oo u badan ajaanib
Aug 09, 2012 with:
Cilmibaaris uu sameeyay wargeyska A-studio ayaa sheegtay in ajaanibta lagu xukumay dembiyadan ey u badan yihiin kuwa ka yimid dalalka dagaalada ka socdaan. Waxaana hada socda cilmi baaris kale oo ku saabsan dadka dembiyada sameeya iyo dhibaatooyinka ey kala soo kulmeen dalkoodii hooyo sidey isu saameeyaan.
Tirada badan ee ajaanibta geysata falalka kufsiga ayaa walaac ku abuurtay hayadaha ku shaqo leh arrimaha dadka soo galootiga, waxey kaloo cadeysanaysaa in eysan wali ajaanibta ku guuleysan isdhexgelka iyo barashada dhaqanka finlandeyska.
Arimahaan oo kale ayaa waxey kiciyaan xasaasiyad iyo in ey badato cunsuriyada lagula kaco ajaanibta. Waxaana loo baahan yahay in laga hadlo oo xal loo raadsho, hadii laga aamuso waxey abuuraysaa in shakiga ajaanibta laga qabo uu sii kordho.
Waxaa kale oo xusid mudan in dalka Finland ey kunool yihiin ilaa 200 000 oo qof oo asalkooda ajaanib yahay, kuwaasoo ubadan kuwa sharciga dalka dhowra oo an dembiya badan sameyn , iyagoo taas kala mid ah shacab weynaha finlandeyska intiisa kale.

