• ETUSIVU
    • PROFIILI
      • TOIMINTA
      • PROJEKTIT
    • UUTISET
      • SOMALI UUTISET
      • FEATURED ARTICLES
    • SOMALIT SUOMESSA
      • SUOMEN HISTORIA
      • SOMALIEN DIASPORA
    • SOMALIAN HISTORIA
      • USKONTO & KULTTUURI
    • YHTEYSTIEDOT
    • ILMOITUSTAULU

Dalka Finland oo doorashada madaxweynaha looga dareeray

Jan 22, 2012 with: Commnets

  • Tweet

Dadka Finnishka ah ayaa maanta u dareeray goobaha codeynta si ay u doortaan Madaxweyne cusub. Goobaha codbixinta ayaa la furey maanta oo Axad ah saacaddu markey ahayd 9:00 subaxnimo waxaana ay furnaan doonaan tan iyo 8:00 fiidnimo, iyada oo natiijadu soo bixi doonto saacado kadib marka la xiro goobaha codbixinta.

Ilaa sideed musharax ayaa u taagan xilka Madaxweynaha kuwaas oo ka kala saocda sideeda xisbi ee dalka Finland.

Musharaxa hela in ka badan 50% codadka la dhiibto ayaa noqonaya Madaxweynaha, haddii taasi dhici weydo doorashadu waxay maraysaa wareg labaad, waxaana wareega labaad ku tartami doona labada musharax ee ugu codka badan.

Musharaxa Xisbiga Conservative Mr. Sauli Niinstö ayaa lagu wadaa in wareega hore ee doorashada uu helo codad aad u faro badan waxaase shaki la gelinayaa in uu heli doono wax ka badan 50%, taas oo ka dhigi lahayd in uu wareega kowaad ku guuleysto.

Musharixiinta Xibiyada Deegaanka iyo Xisbiga Bartamaha ama Dhex-dhexaadka Paavo Väyrynen iyo Pekka Haavisto ayaa lagu wadaa in midkood uu u soo gudbi doono wareega labaad, kadib baaritaano badan oo la sameeyey, waxaase dhici karta in ay dhacdo arin aan la fileyn oo uu soo baxo qof kale.

Haddii doorashadu marto wareeg labaad waxaa la qaban doonaa 05 Feberaayo 2012.

Soomaalida degan dalka Finland ayaa ka mid ah codbixiyaasha maanta u dareeray goobaha codeynta iyada oo dadka qarkiis horey u dhiibteen codadkoodi, waxaana ka mid ah Soomaalida kuwo u ololeynaya qaar kamid ah Musharixiinta xilka Madaxweynaha Finland.

www.horseedmedia.net

Tags: codeyn • doorashada • madaxweynaha

Comments

  • LINKIT

    • Hiiraan Online
    • Horseed Media
    • Radio Robin Hood
    • Radio Warsan
  • Uutisia

    • Helsingin Sanomat
    • MTV3
    • Selkouutiset
    • Turun Sanomat
    • YLE
  • Nolosha Soomaalida Scandanavianka

  • FINFO

  • Infopankki

  • LINKIT

    • Hiiraan Online
    • Horseed Media
    • Radio Robin Hood
    • Radio Warsan
  • Julkiset palvelut

    • Euroopan unionin
    • INFOPANKKI
    • KELA
    • Maahanmuuttovirasto
    • POLIISI
    • Työ- ja elinkeinotoimisto
  • Uutisia

    • Helsingin Sanomat
    • MTV3
    • Selkouutiset
    • Turun Sanomat
    • YLE
© Copyright Suomen Somali Web Portal 2012. All rights reserved.