Baarlamaanka Finland ayaa maanta u codeynaaya in la furi karo dukaamada maalinta Axadda.
Nov 18, 2009 with:
Baarlamaanka dalka Finland ayaa maanta u codeynaaya in dukaamada la furi karo waqti dheer sanadka oo dhan maalinta Axadda ah marka loo eego sida ay hadda yihiin.
Sharcigan cusub ayaa u ogolaanaya in dukaamadu ay furnan karaan maalinta Axadda ah sanadka oo dhan, saacaddo badan, sharcigan cusub ayaa lagu wadaa in uu dhaqan galo bilowga bisha December.
Maalinta Axadda ah dalkan Finland waa maalin feesto ah lamana ogola dukaamadu in ay furan yihiin marka laga reebo dukaamada yar yar ee ka yar 400m2, Waxaa jirey sharci sanadihii danbe u ogolaanayey in dukmaada la furi karo Axadaha Summerka ama xagaaga iyo marka uu soo dhawyahay Jouluga.
Arintan ayaa la aaminsan yahay in ay tahay mid u wanaagsan dhaqaalaha dalka iyo adeega bulshada


