Asbuucan oo la saadaaliyay inuu da’ayo baraf badan
Nov 27, 2012 with:
Koonfurta dalka FInland ayaa la saadaalinaya inuu baraf soo da’o asbuucan
dhamaadkiisa. Hayada saadaasha cimilada ayaa sheegtay in lafilayo inuu cawa
barafka bilawdo asbuuca dhamaadkiisana uu dhulka yaalo baraf gaarsiisan 20 cm.
Waxaa kaloo la saadaalinaya inuu qabowga hoos udhaco oo gaaro ilaa -10
asbuucan dhamaadkiisa.
Xiliga qaboobaha ayaa sanadkaan soo daahay, maadaama sida caadadaha bisha november dhexdeeda dhulka baraf yaali jiray. Hada gobolada waqooyiga Finland ee Lappi kaliya ayaa barafka dhulka yaalaa.
