Ajaanibta oo kusoo badaneysa goobaha raashinka loogu qeybiyo danyarta
Nov 27, 2012 with:
Dalka Finland ayaa waxa kusoo batay sanadadii udanbeysay goobaha cuntada loogu qeybiyo dadka danyarta ah oo daqliga soo galo uusan ku filneen nolol maalmeedkooda. Dadka goobahaas taga isugu jira bulshadaqeybaheeda kala duwan.
Baaritaano iyo wareysiyo la sameeyay kadib ayaa waxaa soo baxay in deegaanadaudhaw magaala madaxda ey kaalmadaas doontaan qoysaska caruurta badan iyo waliba in dadka goobahaas ugala safka ey boqolkiiba 27 % yihiin ajaanib. Ajaanibtaas waxaa uga badan kuwa kasoo jeeda dalalka Ruushka iyo Estonia.
Gobolada ka fog magaala madaxda sida Oulu oo kale ayey yar yihiin ajaanibta
kaalmadas doonta. Dadka ubadan ee kaalmadaas ayaa waxey yihiin dadka waayeelka, dadka balwada qaribtay oo nolosha ka dhacay iyo dadka ajaanibta oo danyarta ah.
