Ajaanibta degan Helsinki oo cabasho ka muujiyay dhanka guryaha
Sep 21, 2012 with:
Ajaanibta oo cabasho ka muujiyay guryaha kuyaala magaalada Helsinki, kuwaasoo ah gurya yar yar markii loo eego baahida qoysaska balaaran ee dadka ajaanibta.
Xaafadaha ey ubadan yihiin dadka ajaanibta ayaa ka guryo yar yar xaafadaha kale ee ey dadka Finlandeyska udashay ku badan yihiin.
Qoysaska ajaanibta ayaa dhibaatooyin badan kala kulma deriska iyagoo inta badan lagasoo dacwoodo, guryahana si fudud looga eryo. Xaafada Suvela ee katirsan magaalada Espoo ayaa waxaa laga hirgeliyay xarun warbixin siisa ajaanibta degaankaas si loo yareeyo isku dhaca dadka ajaanibta iyo deriskooda.
