6 qof oo ka baxsatay kaam kuyaal Helsinki
Jun 08, 2012 with:
Kaam kuyaala magaalada Helsinki oo lagu magacaabo Metsälä ayaa bishii shanaad waxaa ka baxsaday 6 qof oo sugayey in dib loogu celiyo dalkooda hooyo. 3 kamid ah ayaa lasoo qabtay waxaana wali maqan 3:da qof ee kale oo baxsaday.
Madaxa kaamka Pekka Nuutinen ayaa sheegay 6 qof ee kaamka ka baxsaday in mid lagu qbtay kaamka meel ku dhaw, laba kalena laga soo qabtay bartamaha magaalada Helsinki.
Kuligood ayaa waxay ka baxsadeen daaqada, waxeyna isugu jiraan dad kala jinsiyada duwan.
Kaamkaan ayaa ah mid si weyn loo ilaaliyo oo lagu xareeyo ajaanibta booliska soo qabto oo sugaayo in dib loogu celiyo dalkooda hooyo.
