• ETUSIVU
    • PROFIILI
      • TOIMINTA
      • PROJEKTIT
    • UUTISET
      • SOMALI UUTISET
      • FEATURED ARTICLES
    • SOMALIT SUOMESSA
      • SUOMEN HISTORIA
      • SOMALIEN DIASPORA
    • SOMALIAN HISTORIA
      • USKONTO & KULTTUURI
    • YHTEYSTIEDOT
    • ILMOITUSTAULU

5 qof oo Lagu Diley Suuqa Sello ee Magaalada Espoo

Dec 31, 2009 with: Commnets

  • Tweet

selloNin hubaysan ayaa maanta rasaas ooda uga qaadey suuqa labaad ee ugu weyn dalka Finland. Suuqa ayaa ku yaala magaalada Espoo oo dhinaca ku haysa caasimadda dalka Finland ee Helsinki, waxaana lagu magacaabaa Sello. Inta la ogyahay waxaa ku dhintey 5 qof. Dadka dhintey ayaa isugu jira sadex nin iyo hal qof oo haween ah, oo laga dhexhelay suuqa. Qofka shanaad ayaa boolisku ka helay meel ka baxsan suuqa oo guryo dhexdood ah isaga oo xabadi ku taalo waxaana lala xiriiriyey in ninka dilka ka geystey Sello uu diley qofkaas oo haween ah.

Booliska ayaa sheegay in ay warka heleen 10:08 waqtiga Finland, waxaana uu ka dhacay goob dukaan ah, oo lagu magacaabo Prisma, wararka u danbeeyay ayaa shegaya in aysan caddeyn in gacanta lagu dhigey ninka falkan geystey, waxaana Booliska laga soo xigtey in ninkan qiyaastii uu ahaa 44 jir, waxaana la xirey dhamaan wadooyinka iyo isgaarsiinta gaadiidka ee soo galaya xaafadda Leppavaara ee ay arintaani ka dhacdey, sidoo kale suuqa Sello ayaa gebi ahaantiisba la xirey.

Ibrahim Shkupolli ninka laga shakisan yahay sawirkiisa

Ibrahim Shkupolli ninka laga shakisan yahay sawirkiisa

Warar hadda ay qoreen warbaahinta Finland ayaa lagu sheegay in ninkan uu ahaa nin ajnabi ah oo ku noolaa Finland mudo dheer magciisana waxa lagu sheegay Ibrahim Shkupolli ninkan ayaa Boolisku ku sheegay mid khatar ah denbiyo horayna galay.

Mid kamid ah dadka uu diley ninkan waa xaaskiisi hore, falkan ayaa loo badinayaa in uu salka ku hayo arimo Masayr.

Updated: Shir saxaafadeed ayaa Boolisku ku sheegeen in ay heleen ninkii dilka geystey isaga oo meyd, waxaana laga helay meydkiisa gurgiisa oo ku yaala magaalada Espoo, kadib markii uu is diley.

Dalka Finland ayaa waxaa ku soo badanaya dilalka caynkan oo kale ah ah sanadkii 2007 ayey ahayd markii ardey dhiganaayey Iskool ku yaala magaalada Tuusula uu ku diley 7 ardey iyo macalin kadibna uu isagu istoogtey.

Sidoo kale sanadkii 2008 bishii September ayey ahayd markii ardey kale uu ku diley halki uu waxkabaranaayey 10 ardey kadibna uu isagii istoogtey.

Wadanka finland ayaa ah wadanka sadexaad ee shacabku haysto hub u sharciyeysan, waxaana ay dadku ka helaan ugarsiga taas oo sabab u noqotey in ay sharciyeystaan hubka, waxaana xukuumaddu ay ku gudajirtey sidii wax looga badli lahaa sharciga hubka.

Comments

  • LINKIT

    • Hiiraan Online
    • Horseed Media
    • Radio Robin Hood
    • Radio Warsan
  • Uutisia

    • Helsingin Sanomat
    • MTV3
    • Selkouutiset
    • Turun Sanomat
    • YLE
  • Nolosha Soomaalida Scandanavianka

  • FINFO

  • Infopankki

  • LINKIT

    • Hiiraan Online
    • Horseed Media
    • Radio Robin Hood
    • Radio Warsan
  • Julkiset palvelut

    • Euroopan unionin
    • INFOPANKKI
    • KELA
    • Maahanmuuttovirasto
    • POLIISI
    • Tyƶ- ja elinkeinotoimisto
  • Uutisia

    • Helsingin Sanomat
    • MTV3
    • Selkouutiset
    • Turun Sanomat
    • YLE
© Copyright Suomen Somali Web Portal 2012. All rights reserved.