Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Finland iyo Helsinki Islamic Centre (Al-Huda)
Dec 31, 2009 with Comments 0
Booska:Masjidka Al-Huda, Pasila
Waqtiga:01- 03.01.2010
Ururka ardayda soomaaliyeed ee finland (suomen somaliopiskelijoiden yhdistys) iyo masaajidka Al-huda waxey kugu casumayaa barnaamij lagu qaban doono masaajidka maalinta jimcada ilaa maalinta axadda.
Kulamadan ayaa ah kuwo lagu wacyigelin doono qeybaha kala duwan ee bulshada, meeshaas oo lagusoo bandhigi doono muxaadarooyin, iyadoo ahmiyad gaar lasiin doono baraarujinta dhalinyarada iyo waalidiinta.
Jimcaha(01.01.2010) Saacada 16.00
Barnaamij loogu talagalay dhalinyarada
Sabtida(02.01.2010) Saacada 12.00
Barnaamij loogu talagalay dumarka
Axada (03.01.2010) Saacada 16.00
Barnaamij loogu talagalay ragga
Wixii dheeraad ah kala xiriir Abdirizak hagi 0442737317
Ku soo dhawaada
Filed Under: SOMALI UUTISET





