Qoysaska Soomaalida ayaa kunool guryo ciriiri ah
Nov 16, 2009 with Comments 0
Magaaladda Helsinki ayaa culeys kala kulantay qoysaska soomaalida oo ah qoysas aad ubalaaran iney uhelaan guryo ku filan. Waxaa sanadkii udanbeyay soo galay ilaa labo kun oo qaxooti soomaali ah, kuwaasoo waliba qaarkood qoysaskooda sii dalbaday.
Waxaa kaloo la filayaa sidoo kale sanadkaan iney qaxooti badan oo soomaali soo galaan dalkan Finland. Soomaalida ayaa markey xeryaha kasoo baxaan waxey badidood uguuraan magaala madaxda Helsinki, halkaasoo ey dhib kala kulmaan iney guryo ka helaan.
Waxaa jira qoysas badan oo soomaali ah oo saf ugu jira guri helid. “Baaritaan sanadkan horaantisa la sameeyay ayaa lagu shegay in dadka cusub ee soomaalida boqolkiiba 25 % guryo layihiin ama si qaab daran udegan yihiin” , ayey tiri Sari Karisto oo ah gabarta heysata arrimaha ajaanibta ee magaaladda Helsinki.
Filed Under: SOMALI UUTISET





