Dalka Sweden oo Masaafuriyey Nin Finnish ah kadib markii ay uga shakiyeen argagixisnimo

Photo: YLE

Photo: YLE

Nin u dhashey dalkan Finland ayaa markii u horeysey laga soo masaafuriyey dalka Sweden kadib markii looga shakiyey argagixisnimo, ninka ayaa dib loogu soo celiyey dalka Finland, sidaas waxaa qorey Helsingin Sanomat.

Warbixin ka soo baxdey booliska Sweden ayaa lagu sheegay in ninkan dib loo soo ceshay sanadkii hore mar uu booqdey gabadh uu dhalay oo degan dalka Sweden, laakiin markaan waxaa la saarey in aanu sinaba u soo gewli karin dalka Sweden.

Sirdoonka dalka Sweden ayaa sheegay in ninkaani uu ka tirsan yahay koox mayal adag oo Islaamiyiin ah, kuwaas oo ka hawlgala dalka Sweden.

Joornaalka ayaa sheegay in ninkaan asal ahaan ka soo jeedo waqooyiga Afrika, waxaana uu u sheegay joornaalka in aanu ahayn argagixiso isla markaasna xiriir la lahayn kooxo mayal adag, ninkan ayaa u arka in meel leega dhacay xuquudiisa isla markaasna loola dhaqmey si ka baxsan bini’aadanimada.

Dawladda Swden ayaa marar badan xirtey ama safarada ka mamnuucdey dad Islaam ah kuwaan oo ay sheegtay in ay ka shakidey inkasta oo markii danbe ay ogaadeen in aaney wax shabakado ah xiriir la lahayn.

  • Share/Bookmark

Filed Under: SOMALI UUTISET

RSSComments (0)

Trackback URL

Leave a Reply




If you want a picture to show with your comment, go get a Gravatar.